Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Liibiya Waxay Mareysa Halki La Lahaa Hal La Qalay Baa Raqdeedi Lagu Soo Qamaamay Qalalaasihi Ninba Qurub Haleelay .. Erdogan Oo Eedeyn Culus Dusha Ka Saaray Maafiyada Jeneral El-Siisi

Sunday - July 19, 2020



Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya .. Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar Cabdifitaax el Sisi uu isbuucan la kulmay hoggaamiyayaasha qabaa’illada bariga Liibiya oo ka dalabday Qaahiro inay soo farageliso dagaalka.

Turkiga ayaa gargaar milatari ku caawiya dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, halka Masar, Imaaraadka iyo Ruushkana ay taabacsan yihiin maamul kale oo saldhigoodu yahay bariga Liibiya oo uu horkacaya janaraal Xaftar.

” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Erdogan.

El-Sisi ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabay inay suuragal tahay in ciidammada Masar ay gudaha u galaan Liibiya haddii dowladda Tripoli ee taageerada ka hesha Turkiga ay markale weerar ku soo qaadaan jiidda dagaalka ee dhinaca Sirte-Jufrah oo loo arka inay tahay marinka goobaha laga soo saara saliidda ee ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada taabacsan Xaftar.

Liibiya waxaa halakeeyay colaad daba dheeraatay tan iyo sanaddii 2011 markaas oo hoggaamiyihii muddada dheer ka talinayay dalkaasi Mucamar Qadaafi xukunka looga tuuray howlgal ay ku luglahayd gaashaanbuurta NATO.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.

Wuxuuna Erdogan sheegay in Turkiga iyo Liibiya ay dib u billaabayaan sahminta iyo soo saaridda saliidda ee bariga badweynta Mediterranean.