Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xikmadihi Cali Ibn Abi Taalib RC .. Waxaa Imaan-Doonta Xili Culimadu Cilmiga iibiso .. Xili Waayeelku Dambiile Noqdo .. Waqti Caalimku Munaafiq Noqdo

Thursday - July 23, 2020


Taariikhda ballaaran ee Amiirkii Afraad ee Khulafadii Rasuulka SCW, kuma soo koobi karo halkan, hasa yeeshee waxaynu qormadeenan ku soo qaadan doona, qaybo ka mid ah xikmadihii dhaxal-galka noqday ee Cali Binu Abi Taalib RC, kuwaas oo qiimahooda iyo hanuunkooda dartood ka mid noqday dhaxalka aadamaha ee xitaa dadka aan Islaamka ahayni tusaalaha u soo qaataan laguna daraaseeyo Mac-hadyada iyo jaamacadaha ugu waaweyn aduunka.

Cali RC wuxuu yiri: Waxaa iman doonta maalin Islaamku magac kaliya noqdo .. Quraankuna muuqiisu yaalo .. kuwa tukanayaa Masaajidada buuxiyaan, laakiin aanay iimaan idinka ahayn .. waxaa la arki-doona Culimada oo Cilmiga iibisa .. fitnada iyo xumaantuna dhexdiina ku faafto, Iillaahay ayaan idiinka baryayaa inuu idinka nabad galiyo.

Waxa Iman-doona wakhti, waayeelku Dambiile noqdo .. Caalimku Munaafiq noqdo, Maal-qabeenkuna aanu saboolka wax tarin iyo dhalinyarado waayeelka ka xishoon wayda .. Naftu waxay u ooydaa aduunyada iyadoo garanaysa inaanay ku nagaanayn wanaag kasta oo guudkeeda yaala qofna dhimashada dabadeed ma dago guri aanu aduunyada intii uu joogay ee uu noolaa dhisan, (Macno ahaan, qof walba wuxuu degaa gurigii uu ifka ka soo dhistay, mana jiro guri kale oo uu dhimashada ka dib degayaa).

Hantida badankeeda waxaynu u dhaqnaa kuwa ina dhaxlaya, wakhtigeenana wareer iyo aduunyo raadin baynu ku dhamaynaa. Kii Wanaag iyo khayr dhisa waxa u sugnaaday deganaansho wanaagsan, kii xumaan iyo shar dhisana guul daro ha ku bushaaraysto