Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Wax Ha Arkin Oo Ha Maqlin Waa Habaar .. Villa Somaliya Oo Albaab Aan La Garaacin Tumeysa

Sunday - July 26, 2020



Wararka hor dhaca ah ee looga faaloonayo xaalada cusub ee ka oogantay siyaasada somaliya ee maalinba maalinta ka dambeysa sharaf-beelkeeda si bir-birqaneysa, ayaa ah mid bulshada qurbo iyo gudo ay si adag uga maroor-dilacsan yihiin, kuwaaso tilmaamay khilaafka Hey'adaha Dawlada ee Fedaraalka, oo ugu horeyn ay meesha ka baxday wada-shaqeynti Labada gole ee barlamaanka, iyado isla markaa hadda ay soo korortay in la kala diray xukumadi dalka xili lagu jiro waqti kala guur ah taaso horseeday khilaaf dastuuri ah iyo cabsi laga qabo in u dhaco muddo kororsi, taaso keentay in dhamaan ay istaageen shaqooyinkii awalba liidka ahaa ee wasaaradaha dowladda federaalka, iyadoo aan wax lacag laga bixin karin Bangiga dhexe ee dalka, wasaaradda maaliyadana la dul dhigay amar iyo caqabado kale oo waa-weyn.

Villa Somalia oo waayo-arag la'aan hayso iyo halkey ummadda dhigeen la arkay, ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ay ku rabto inay muddo kordhin loogu sameyo xubnaha baarlamaanka iyo Farmaajo, iyada oo qiil ka dhiganeysa qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xiligan uu dalku u diyaarsaneyn 

Farmaajo, Mursal, Mudeeyey iyo Fahad oo muddo kororsi gogol-xaar ugu jira, ayaa Kheyre xilka uga tuuray inuu ku fashilmay in dalka ka dhacdo doorashada ay rabto Villa Somalia, taasi oo haddii si kale loo dhigo noqoneysa in lagu khasban-yahay muddo kororsi, marba haddii ay xukuumaddii ku fashilantay doorasho, waa sida uu rumeysan yahay Guddoomiye Mursal amase shaxda horay loo dhigay oo ahayed in dusha laga saaro kheyre dibu dhaca doorashada

Mursal, Mudey iyo xulafadooda xubnaha Golaha shacabka ayaa iyagu gardaduub iyo dadaal badan galiyay sidii ay xilka uga faramaroojin lahaayen Kheyre, iyada oo dabada ka riixeyso Villa Somaliya, isla markaana aan si dhab ah u xaqiiqsaneyn xaalada cakiran ee dalka galin-karto arrintaasi .. Beesha Caalamka, Madaxwynayaasha maamul gobolada iyo axsaabta Mucaaradka ayaa si adag uga hor-yimid xil ka qaadista u sameeyey baarlamaanka oo uu ayiday Farmaajo iyado falsafada ka dambeysa ay tahay muddo kororsi

Arintu si kataba ha noqotee, bulshadi Somali gudo iyo dibad oo meelkasta khadka isgaarsiinta igala soo xariiray, waxay guud ahaan Carabka ku dhufteen in kheyre u ahaa nin ay badrad ka muuqan jirtay, hasa-yeeshe ujeedadi loo casilay ay ahayed siriq shirqol is maqiiq ah oo loola dan-leeyahay muddo kororsi, haddana iyado ay saas tahay ma mudna Kheyre in loo tacsiyeeyo ma daamo isaga, Fahad iyo Farmaajo ay dalka Faan, Naanaa iyo Maaweelis ay umadda ku khaawasiinayeen. 

Dhinaca kale Farmaajo Yes sharci ayuu u leeyahay inu iska badalo kheyre oo waxba lagama qabo inu awoodiisa isticmaalo, laakiin xaq uma laha in wixii heshiis lagu gaaray Dhusamareeb u wax kama jiraan ka dhigo, taa haddu la yimaado iyo xil kororsi waa waajib in UL lagu dilaacsho