Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Farmaajo Oo Safar Maylka U Tirinaaya Adis-Ababa Ankara Iyo Dooxa-Qadar .. Kheyre Oo Dambiile Lagu Sheegay Iyo Inu Gacan Saar Hoose La Leeyahay Imaaraadka Iyo Reer Galbeedka

Monday - July 27, 2020




Inta Hadal Duulo Haad Ma Duulo .. Walow mar dambe la yiri Farmaajo safarki itoobiya waa u ka baaqday, ayaa haddana war saacado hore soo gaaray Shabakadaan Galdogo Times lagu sheegay in xog laga helay sarkaal sare ee ka tirsan xafiiska R/W Abiy Axmed u cadeeyey in Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo weli dawladiisa cusub aan u sal-dhigin iyo umadda somali qaski siyaasadeed u galiyey awgeed sii kala socdaaleysa u maalmaha soo socda tagi-doono Adis-Ababa oo u halkaas kaga qayb gali-doono shir ka furmaya , kadibna sida maamuuska bratakoolka yahay ay si gaara u wada kulmi-doonaan Riisal Wasaare Axmed Abiy muddo hal saac ah isagoo halkaas ka sharxi-doona rabitaanka kursiga u ku fadhiyo balse Kursiga mooye wax kale u dhadhameyn, isla markaana u ka warbixin-doono qaska iyo sheeko xumida Kheyre u la soo taagan-yahay ee looga caal-waayey in waqtiga loo kordhiyo dawlada, taaso khasab ku noqotay inu sidi Aarka guudka kaga boodo .. Kheyre waxaa lagu eedeynaya inu waayahaan dambe Masar la qabsaday.

Warka ayaa intaa ku daraya in Maxamed farmaajo shirkaas kadib isagoo miciin-doon ah u socdaalo ku kala bixi-doona Dalka Turkiga iyo Dalka Qadar, halkaaso sida xogta lagu helay u madaxda dawladahaas sin-doono warbixin u ku tilmaamayo in Xasan Kheyre ay dabino hoos yaaliin oo hindisihiisa ay gacan daab ku leeyihiin Imaaraadka, Sacuudiga iyo gaar ahaan reer galbeedka oo ujeedada weyn ay ahayed inu ceejiyo dawlada Turkiga Iyo Qadar ee saldhigyada ku leh Somaliya .. Farmaajo ayaa halkaas la filaya inu ka soo maroojiyo Malaayiin doolar oo u wax ku kala fur furo.

Dhinaca kale iyo sida aan horay war ku helnay, waxaa la sheegay in u yeeristi kheyre dhawaanta looga wacay Magaalada Dooxa ay la xariirtay xod-xodo ah inu ka tanaasulo Jagada u hayo oo la siiyo lacag intu doono, shirkaas soo jeedinta waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne Ordogaan .. Dawladahaas waxay kheyre ku tuhun-sanaayeen inu dabino daadinaayo oo si hoose ula qabsaday Sacuudiga iyo Imaaraadka kuwaasoo Oogaya in Turkiga laga ceyrsho somaliya, hasa-ahaate Kheyre oo dalabkaas iyo sooryadaas dhuuni-raaca ah waa u ku gacan seyray.