Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dunida Ku Soo Kordhi Wax Cusub Oo Isbadal Sameeya .. Kabihi Boqorka

Tuesday - July 28, 2020


Waqtiga oo Zaman hore ahaayed, waxaa la sheegay in nin Boqor oo ka mid ahaa dowlad aad u weyn uu maalin maalmaha ka mid ah uu doonay in uu galo safar aad u dheer, halkaaso Awrtiisi rartay oo sii biyeystay sibraarkiisi

Boqorki oo intu safarki dheeraa ku jiray wuxuu Odda jabiyaba waa miciyo adeegay, hasa ahaate waxaa gaaray nabro xanuun badan leh, dabadeed markii uu safarka ka soo laabanayay ayaa waxaa bararay Labadiisii Lugood socodka awgiis oo muddo la dhayayey, kadib waxuu diwaankisi iyo dawladiisi ku amray in dhamaan wadooyinka magaalada lagu firaasho Maqaar.

Hase ahaatee, talo waxay ku toosta tashiga, oo mid ka mid ah la taliyeyaasha Boqorka ayaa kula taliyay in uu Laba gabal oo Maqaar ah uu ku xirto Labadiisa cagood, si uu uga badbaado dhulka Qoxda taal, Gaxandhada iyo Caga-gubyada wadooyinka qoraxda ah .. Boqorki oo la cajabay fikirkaas si hawraarsan leh ayuu taladi ku qaatay 

Waxaa la sheegaa in xirashada Kabaha ay sidaan ku soo bilaabatay .. Sheekadaan gaaban ayaan waxaa ka fahmeynaa in muhiim tahay in qofku uu Dunida ku soo kordhiyo wax cusub oo sameyn kara isbedelo muuqda oo wanaag u leh bulshada caalamka