Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Maalmihi Daldalaada Sayd Qudub .. Kalmada Tawxiidka Saxda Ah Ayaa Laygu Dilaya Adiguna Waxaad Rabta Inaad Aniga Hadda ii Barto

Saturday - August 29, 2020




Sayd Qudub oo ahaa Aabihi Fikirka in la Gaaleysiin-karo qof muslin ah kaaso ku sheegay qoraaladiisa in shucuubta musllimiinta ah ay ku sugan-yihiin Jaahilnimo la mid ah midii ay Carabtu ku sugnaayeen ka hor intaan la soo dirin Nabi Maxamed CSW, ayaa baryaha la dili rabay waxaa u yimi qaar ay saaxiibo dhaw ahaan jireen Madaxwayne Jamal Cabdi Naasir waxaa laggu yiri: Sayd Qudubow Jamaal wuu ku saamaxayaaye ee waydiiso Cafis isna waa Sayd Qudube isago dhoola cadeynaya wuxuu kaga jawaabay ''Marka Aan Salaada Tukanayo, Faraha Aan itixiyaadka ILaahay Dartii U Fiiqo, Gamaal Cafis ugu qoran maayo ee hadii Gamaal igu dilayo Xaq qisaastu dambigayga ha mayro , hadii uu xaqdaro igu dilayana isagu ilaahay hala hor tago .. 

Sayid Qudub waxa la saaray maxkamad, qodobadii lagu eedeeyay intooda badana waxa laga soo qaatay kitaabkiisa "Macaalim Fi-Dariiq", laakin sidii uu u qoray ayuu u difaacay, gunaanadkii maxkamaduna wuxu noqday in lagu xukumay dil isaga iyo lix nin oo kale .. 29 Agoosto 1966 ayuu dhintay Sayid Qudub kadib markii la daldalay. Waxaa la sheegaa in markii la surayay xariga uu askarigii waday uu u qabtay Towxiidka, laakiin Sayed Qudub ayaa ugu jawaabay oo yiri: kalimadaas Tawxiidka aad ii sheegeyso macnaheeda Saxda ah ayaa la igu dilayaa, adiguna waxad rabtaa inaad aniga hada i barto.

Sayd Qudub wuxuu ka tagay waxyaabo badan oo lagu xasuusan doono waqtiyo badan oo soo socda , waxaana ka mid ah, Heesihi amase Nashiidadiisi uu xabsiga ka dhex sameeyey ee uu lahaa:

'' Walaal-kayoow xor baad tahay adigoo xiran ,

Waxaanad xor ku dhex tahay xabsigga dhexdiisa ,

Maadaama aad tahay mid xaq ku taagan ''.