Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Taariikhda Marka Aad Taqaanid Ayaad Horay U Socon-Karta .. Beerta Xayawaanka Mareykanka Oo Ay Ku Qaadatay 114 Sano Iney Raali Galin Ka Bixiso Wiilka Afrikana Oo Ay Xayawaan Ula Dhaqantay

Monday - August 31, 2020


Wiilka magaciisu yahay Ota Benga ayaa sannadkii 1904 laga afduubtay halka maanta loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxaana la geeyay beer lagu xanaaneeyo xayawaanada oo ku taalla dalka Mareykanka si dadku ay ugu daawasho tegaan .. Weriye Pamela Newkirk, oo wax ka qortay xaaladda wilkan ayaa ka shekeyneysa tobbonaan sanno kaddib sida ay wax u dhaceen.

In ka badan muddo qarni ah kadib markii warbaahinta caalamka ay siyaabo kala duwan uga hadashay wiil yar oo Afrikaan ah oo la geeyay Beer lagu hayo Daanyeerka si dadku ay u daawasho tegaan, beerta xayawaanka Bronx Zoo oo ku taalla New York ayaa ugu dambeyntii raalli gelin ka bixisay wiilka lagu hayay halkaas.

Raalli gelinta ay bixiyeen ururka ilaalinta duur joogta ayaa imaaneysa xilli dunida ay ka socdeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka ninkii madowga ahaa ee loogu geystay Mareykanka.

Agaasimaha ururka ilaalinta duur joogta (WCS) Cristian Samper, wuxuu sheegay in beertaas oo ay maamulaan ay ka go’antahay in si hufan ay u abaarto dhacdadaas oo si weyn ay u baahiyeen warbaahinta Yurub iyo Mareykanka 9-kii bishii September sanadkii 1906-dii, maalin uun kaddib markii Ota Benga lagu soo bandhigay beerta tan iyo markii la sii daayay 28-dii bishii September sanadkii 1906-dii .. Horraantii sanadkii 1906-dii, warqad kasoo baxday beerta xayawaanka ayaa muujineysa in saraakiisha in Ota Benga uu ahaa shaqaalaha beerta xilli la dhaleecenayay dhacdadaas.


Ota Benga, Waxaa la qabtay bishii Maarso sanadkii 1904-tii, waxaa Congo ka qabtay ganacsade Mareykanka u dhashay oo la yiraahdo Samuel Verner, Inkasta oo aan xilliggaas la ogeyn da’diisa balse waxaa lagu qiyaasay 12 ama 13 jir .. Waxaana lagu qaaday markab, waxaa la geeyay New Orleans, sanad kaddib waxaa lagu soo bandhigay goob ku taalla St Louis isaga iyo 8 wiil oo kale, wuxuuna bandhiggaas socday ilaa xilliga Qaboobaha, lamana siin wax dhar ah oo ay dhaxanta isaga celiyaan.

Bishii September ee sanadkii 1906-dii, waxaa 20 maalmood lagu hayay beerta xayawaanka ee ku taalla New York ee Bronx Zoo, dad fara badan ayaa u soo daawasho tegay .. Waddaado kiristaan ah ayaa ka carooday arrintaas, taas waxay horseeday in laga sii daayo beerta, waxaana la geeyay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo uu maamuli jiray nin la yiraahdo James H Gordon.

Bishii Jannaayo sanadkii 1910-kii, wuxuu aaday kuleej ay dhigtaan ardeyda madowga ah oo ku yaallay Virginia, Waxaana markii dambe lagu soo warramay in uu lasoo dersay welwel, bishii Maarso sanadkii 1916-kii waa uu is dilay kaddib uu isku dhuftay qori uu qarsanayay, waxaana loo maleynaya in da’diisu ay aheyd 25.

Wargeyska New York Times wuxuu marar badan wax ka qoray xaaladda Ota Benga, markii ugu horreysay 9-kii bishii September 1906-dii, wuxuu cinwaan boggiisa hore ka dhigay “Ninkii duurgalka ahaa oo beerta Bronx Park kula jira Daanyeerka”

Agaasimaha ururka maamula xaruntan ayaa sheegay “In si weyn ay uga shaleynayaan in dad iyo jiilal badanba ay waxyeelleysay arrintani ama inay horey ay ugu guuldareysteen in si cad ay u dhallee-ceeyaan dhacdada”

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay in dadkii aasaasay beerta oo ay kamid yihiin Madison Grant iyo Henry Fairfield Osbor in kaalin weyn ay ka qaateen in Ota Benga la geeyo beerta xayawaanka si loo daawado.