Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Baa U Gaajo Badane.. Shirki Mogdisho Oo Maanta Furmaaya

Wednesday - September 2, 2020



Sida la xaqiijiyey shir looga hadlaayo doorashada xiligaan la rabo iney ka dhacdo somaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmi-doona mogdisho, shirkaaso ay ka qayb qaadanayaan madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweyne Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Fedaraalka Maxamed Farmaajo oo isagu shirka gudominaaya

Ajeendada shirka waxay la xariirta falaaqeynta qodobadi horay uga soo baxay Dhuusamareeb-3 oo labadaas maamul sida loo soo mal-maluuqay ka gil-gishey kana bixiyeen huruuf iyo saluug ay ka qabaan qodobada qaarkoo oo shirkaas dhusamareeb lagu daabacay , waxaana la filayaa in halkaas si gar-qaad ah u goob joog ka ahaan-doono Safiirka Mareykanka ee xaruntiisa tahay Mogdisho oo isagu u lobbyi-gareynaya in dhincyada is khilaafsan ay wax ka gadmaaya bulshada isku raacaan.

Warka laga xignaayo dhinaca Villa Somaliya ayaa tilmaamaya in madaxweyne Farmaajo oo laba Waji la soo bixi jiray, daacad-na aan ka ahayen inu doorasho qabto ee dhumaaleysi u dhabarku muuqdo ku jiray 
ayaa markaan u janjeera heshiis iyo sidi usan ugu karaama seegin sama-bixinta dalka iyo dadka