Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xaajo Nin Xoog Weyn Ayuun-Bay U Toosta .. Turkiga Iyo Griiga Maxay Isku Haystaan

Thursday - September 3, 2020



Turkiga iyo Giriigu waa laba wadan oo ka wada tirsan Gaashaan-buurta Naato iyo Qaaradda Yurub , Juqraafi ahaana waxaa u dhaxaysa Badda Mediterranean-ka oo labada wadan midiba dhan kaga soo jeedaa .
Hadaba labadan Badda u dhaxaysa waxaa ku yaala Jasiiraddo fara badan kuwaasoo badankooda uu sheegto Giriigu , waxaana ka midda Jasiiradaha loo yaqaano Aegon oo u jira wax ka yar 10km dhul-waynaha Turkigga gaar ahaana Anatoliya , halka ay dhul-waynaha Giriigana u jiraan 570 Km .

Xudunta Muranka .. Sidda uu dhigayo xeerka Caalamiga ah ee Badaha Aduunka qodobkiisa 122 , Jasiiraduhu waxay la mid yihiin dhulka caadiga ah, xuduudahana waxaa lagga jiidayaa Jasiiradaha sidda dhulka caadiga ah, sidaa darteed Giriigu wuxuu ku doodayaa in xuduud badeedka labada wadan lagga bilaabo Jasiiradda Aagon ee halkan idiinka muuqata oo u jirta Turkey 10km , taasoo ka dhigaysa in aan Turkigu wax usn ku yeelanaynin Badda Mediterranean ka xuduud bad-deed ganacsi , maxaa wacay jasiirada Aagon iyo Turkigu waxba isuma jiraan, hadii loo kala calaamadaynayana min 2 km ayuun bay u helayaan 6 km ee soo harayna caalamkaa wada yeelanaya waxaanay noqonayaa biyo caalamiya

Sidaa darteed Turkigu wuxuu ku doodayaa in Xuduud badeedka labadda wadan lagga bilaabo labadda dhul-wayne ee Turkiga iyo Giriigga , Badda Mediterranean ka xuduud ganacsigeedda labada wadan u wadaagaan si siman , oo mid waliba qaato 122 Km , halka Giriigu leeyahay Turkigu Badda Mediterranean waxba kuma laha .

Xeerka iyo Xaqiiqda .. Xeerka caalamiga ah ee Badaha (UNCLOS) Qodobkiisa 122 wuxuu Qeexayaa in Jasiiraduhu leeyihiin xaqa xuduud badeed ganacsi , sidaa darteed xuduud badeedka ganacsi ee Giriigu wuxuu ka bilaabmayaa Jasiiradaha Aagon ee ku dhegen Turki .

Gal-dalooladda Xeerka .. Xeerkan oo laggu saxeexay Geneva 1958 waxaa dhaqan geliyay ilaa hadda 13 ,Turkiguna ma saxeexin mana dhaqan gelin sidaa darteed Turkigga ma qaban karro .

Xaqiiqda .. Turkigu wuxuu ku doodayaa in Jasiiradaha Aagon oo aan cidi ku noolayn iyo wadanka Turkigga oo ay ku nool yihiin 80 malyuun aan la is barbardhigi karin , iyadoo waliba kala bar dadka Turkiggu ku nool yihiin xeebaha kulaalaya Badda Mediterranean-ka , sidaa darteed wuxuu ku andacoonayaa in si siman loo qaybsaddo xuduud badeedka ganacsi ( EEZ) .

Si kastaba ha ahaatee, Turkigga oo ah 80-M iyo Giriig oo ah 10 M , waxay ku kala xoog badan yihiin dhinacadda dadwaynaha , Dhaqaalaha iyo Milateriga , sideedana xaajo nin xoog wayn ayuun-bay u toostaa