Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Breaking News .. Maamuladi Bak-teeriyada Ee Wax La Walaaqaneysay Villa Somaliya Oo Amar Lagu Dul Dhigay Iney Shirka Mogdisho Ka Soo Qayb-Galaan

Friday - September 4, 2020



War Xigasho ah oo laga helay dhinaca beesha caalamka ayaa sheegaya in Madaxweyna-yaasha Konfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug loo sheegay iney si deg deg ah uga soo qayb galaan shirka todobaad-kaan ka dhacaya mogdisho si horay loogu socdo .. waxaana la sheegay in dhambaal-kaas aysan ka keenin wax calaacal ah, balse qabuul ku soo jawaabeen

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in kulanki dhex maray madaxweynihi hore Xasan Shiikh iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo mid mid ula shiray safiirka mareykanka ay kulankaas sharxaad uga dhaadhiciyeen arimo badan ee Farmajo ku doonaayo af-duubida doorashada oo aad moodo in safiirku yaab ku soo dhacay kuna baraarugay, waxay kalo labadaas Siyaasi ay tilmaan ka baxsheen in madaxweyne Maxamed Farmaajo u yahay sidi nin Haad Geed waayey, taas darteena aan waxba xeerineyn, balse ku wacan been iyo khiyaamooyin oo doorashado aan daacad ka ahayen, balse u ku jiro dhuumaaleysi u dhabarka muuqdo .. isla markaanka waxay Siyaasiyiintaas carabka ku dhufteen in madaxa Kumishinka Xalima yarey ay dhabo weecsan ku shaqeyneyso ee doorashada aysan dhex-dhexaad ka ahayen lana aamini-karin waxa ka soo baxaya codeynta ma daama ay dhinac yihiin.

Sida xanta lagu helay, Safiirka ayaa gunanadk shirkaas, wuxuu aad u soo dhaweeyey oo yiri naftaan u huraaya in heshiis loo wada dhanyahay nooca doorashada lagu gali-doono oo Koox gaara aysan wax marooqsan, isla markaana wuxuu safiirka carabka ku dhuftay in waqtiga oo sii gaabanaya awgeed waa in doorashada ay ku dhacdo Cod iyo Qof oo maamulada ka masuul yihiin, kormeerkana ay yeelato Fedaraalka amase noqoto mid dadban oo loo saaro xulka xildhibaanada Nin aqoon leh Aw iyo Oday haddi kale waa in awooda doorashada ay la wareegto Beesha Caalamnka