Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheeko Dhaqmeed .. Musllinka Iyo Waraabaha Mashaqada Dhex Taal

Sunday - September 6, 2020



Waraabe ayaa waxa laga sheegay inuu yiri : Aniga iyo xoolaha wax dhib ahi nooma dhaxeyso. Waa naloo kala sheekeeyey un .. Anigu sidaydaba Xoolaha inaan cuno uguma tala galo, laakiin Marka aan xoolo daaqaya soo ag maro ayay xooluhu iska yaacaan .. Dabadeed markaas ayaan is iraahda: Xooluhu yaanay dadkii lahaa ka lumine soo dabbaal. Arrintaa darteed ayuun baan xoolaha u eryadaa

Taa waxa ka sii daran, habeenada qaar ayaa waxaan la kulmaa neef baadi ah oo soo lumay. Markuu indhaha i saaro ayuu orod is qaadaa. Aniguna waxaan is iraah: Soo celi yaanu dadkii lahaa ka lumine.

Dee gacmo aan wax ku qabto ma lihiye afka ayaan iraahdaa ku qabo. Markaasuu hilibku ii soo go’aa. Sidaan isku eryanayno ayuu neefku dhinac u dhacaa. Kolkaan arko inuu dhaawac xuni gaaray ayaan is iraahda: Kani dadkii lahaa seegye adiga uun yaanu ku seegin. Markaasaan iska hilbaysta.

Laakiin sidaydaba hadaan ahay Waraabe uguma tala galo inaan xoolaha cuno. Aniga ayaaba dadka ku dhib qaba, oo marka ay indhaha i saaraan ayay dagaal igu soo qaadan.