Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Halgamaha Aan Mar Kaliya Ka Wahsan Wax U Sheega Ummadda .. Saciid Dani Oo Weli Sii Wada Ololihiisi Siyaasadeed Ee Tawfiiqda Lahayed

Tuesday - September 8, 2020




Waxaa lagu soo waramaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, oo maal-mahaanba kulamadiisi shirarka faqa ahaa ee maalinba maalinta ka dambeysa sii gur-guuraneysa kolba dhinac soo dhiganaaya, isagoo Cadceedi soo baxdaba toos ula kulmaaya siyaasiyiinta miisaanka ku leh somaliya oo halkaas si hagar baxa ku bixinaaya talooyin la xariira Tawfiiqda ineysan dhiman oo la helo qiil lagu kala biskoodo laguna heshiiyo wax Nabad iyo dawlad-nimada u adeegaya, isla markaana wax badan ka iftiiminaayey baraarujin wax tar leh oo ujeedadu tahay inaan mustaqbalka lala darsin khasaare culus oo umadda murugo ku reebta, balse indhaha la iska tuurin oo caano la barxay aan la is dhaafin sidi qaran aanay khuseynba, isla markaana Rajada iyo himiladu aysan dhiman oo is afagardka iyo nabada har loo noqdo.


Kulan-kaaso maanta dhex maray Madaxweyne Deni iyo Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha Ahna sii hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa halkaas fadhigooda mid waliba si guud uga hadlay xangu-ruufaha maanta dalka ka taagan sida colaada qashaabiirta is biirsatay ee Al-Shabaab, Cudurada, Baahida, Doorashada, oo haddaan laga taxadarin dalka iyo umadda sii sare u galaafan-karta, waxay labada dhinac isla qaateen kol hadey kala aragtida siyaasiyiinta kala filqantay in xisaabta dib loo rog-rogo oo wixii dhacayba dhace waase in aanay halkaas dhaafin, oo la helo bulsho iyo siyaasiyiin kheyr wada raadineysa si aan dulmiga loogu hiilin wixii Nicma ahna lagu duceysto

Waxaa la tabiyey in Mahdi Guuleed si dhoola cadeyn iyo niyad faraxsan u ku soo dhaweeyey wafdiga Siciid Dani, wafdigaas oo hal-dooradiisa ay ka mid ahaayeen Jeneral Saacid Daahir Saciid iyo Jeneral Bashiir Ameerika oo iyagu kala yaqaan amase khubara ku ah dawga loo maro dabeylaha Amniga iyo siyaasada, isla markaana qayb ka ah dareenka shicibka iyo codka Puntland.