Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xog Iyo Xaqiiqo Sugan .. War-Murtieedki Ka Soo Bixi-Lahaa Kulanki Sadex Geesoodka Ahaa Ee Baydhabo Oo Is Baaro Loo Dhigay

Wednesday - September 9, 2020


Baydhabo- Sadexda Madaxweyne ee Guulwadeynta lagu meeleeyey oo kala ah, Lafta-gareen, Qoor-qoor iyo Waare, oo ku kulmay magalada baydhabo ayaa si lama filaan ah u joojiyey War-murtiyeed ka soo bixi-lahaa shirkooda, oo ujeedadisu ahayed in been la miiso si Taraq lagu tuuro gogosha Mogdisho taal ee looga hadlaayo arimaha Doorashada, hasa-yeeshe sida la sheegay waxaa madaxweyna-yaashaas markiiba ku soo dhacay dhambaal uga yimid xaga madaxweyne Farmajo oo u kaga codsaday iney war-murtiyeedkaas la dabro, isla markaana deg deg mogdisho ku soo galaan, kadibna iyagoo Uur kuusan ay soo galeen mogdisho iyago sidi Cawl wadkeedi galay canka laalaadinaaya.

Dadka iyagu si hoose ula socda Viila Somaliya iyo xulafadisa wax la walaaqeysa , ayaa carbka ku dhuftay in marki horaba abaabulka shirkaas iyo in Sadexdaas madaxweyne ku shiraan baydhabo u ka dambeeyey maxaweyne Farmajo oo ujeedadkiisu ahaa inu sadexdaas maamul si dhabqin ah ka horkeeno qorshaha ay wataan Axmed Madoobe iyo Deni, waxaase dhinaca kale la tilmaamaya in beesha caalamka ay xogtaas heshay kadibna uga digtay madaxweyne Farmajo inu Cago dhigto oo dib u joogsado