Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Lamuumba Mana Dhiman Mana Noola Muuqiisa Lawaaye Mooyaane .. Geesigi Lama ILaawaanka ahaa Patrice Lamuumba Ee La Dilay 59 Sano Ka Hor Oo ILigi Lagala Baxay Meydkiisa Loo Soo Celiyey Qoyskiisi

Friday - September 11, 2020


Geesigi madax-banaanida  Kongo Patrice Lumumba waxaa la dilay 1961.. Qoyska Patrice Lumumba ayaa soo dhoweeyay go`aanka ay maxkamad ugu xukmisay in iligtiisa dib loogu soo celiyo qoyskiisa.

Wiil uu adeer u yahay Mr. Lumumba oo lagu magacaabo Jean Jacques Lumumba ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid hore loo qaaday .. go`aanka maxkamadda Biljamka waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday in runta lagu ogaado …waxay horseedi doontaa in halkaas lagu gaaro, ” ayuu yiri Mr Jacques.

Wuxuu sheegay in labo nin oo lala dilay Mr Lumumba, kuwaas oo kala ah Joseph Okito iyo Maurice Mpolo, “ay sidoo kale yihiin geesiyaal u dhashay Congo” sidoo kalena ay tahay in la soo bandhigo sababta loo dilay.

Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa xukmisay in ilig lagala baxay meydka Mr Lumumba loo celiyo gabadhiisa Juliana – oo warqad u qortay boqorka Biljamka, iyadoo codsaneysa in iliggaas la soo celiyo.

Mr. Lumumba, oo noqday ra`iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Congo kaddib markii ay xornimada ka qaadatay Biljamka sanadkii 1960, ayaa la dilay 1961 kaddib markii ay afduubteen dagaal-yahanno goonni u goosato ahaa oo reer galbeedku ka dambeeyeen .. Dowladda Biljamka ayaa qeyb ka ahayd dilkiisa, laakiin sanadkii 2002 ayay raali-gelin rasmi ah ka bixisay falkaas lagu dilay, sido kale dilkiisa waxaa ka qayb qaatay Basaasiin Ingiriiska iyo Mareykanka kuwo u dhashay.

Iligta Lumumba ayaa loo maleynayaa inuu qaatay sarkaal boolis ah oo ka qeyb qaadanayay in la baabi`iyo ama la qariyo meydka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP .. Waxaa kaddib iligaas la wareegtay dowladda Biljamka.