Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Baruur Kaliya Baa Baruuro Qurmisa .. Puntland Iyo Jubaland Oo Ka La' Villa Somaliya Jid Gala Iyo Mid Ka Baxa

Monday - September 14, 2020




Shirki Wada Tashiga Maamulada iyo Dawlada Fedaraalka oo waqtigaan shir uga socdo madaxtooyada dhexdeeda ayaa durbaba la isku haya laba qodob oo aad muhim u ah, kuwaaso muran xoogan ka taagan- yahay .. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhagan labada qodob, halka maamul goboleedyada qaarkood ay diidan-yihiin.

Puntland waxay taagan-tahay in la kala diro gudiga doorashada amase aysan wax shaqo ah aysan ku yeelan doorashada 20/21 iyadoo puntland ku sababeysay in guddigu u horay u gabay hawshi loo igmaday isla markaana ay horay guddigaan u shaaciyeen in aysan doorashada ku qaban-kain waqtigeeda, waxay Puntland intaa raacisay in doorashada ay tahay mid dadban, sidaas awgeed loo baahan-yahay guddi khilaafad bixinta oo saamileeyda siyaasadu u siman-tahay.

Qodobka labaad ee muranku ka taagan-yahay waa dhaqaalaha ku baxaya doorashada .. madaxweyne Farmaajo wuxuu doonaya in guddiga ay Xalimo Yarey hogaamiso ay maamusho dhaqaalaha taasna waxaa si weyn uga soo horjeensaday Puntland, Jubaland iyo Konfur Galbeed oo ku doodaya in maamul goboleedyada masuul ka noqdaan dhaqaalaha ma daama iyaga lagu qabanaayo doorashada oo amaanka iyo goobaha doorashadu ka dhaceyso ay masuul ka yihiin maamulada .. sidaa awgeed macquul ma ahan ayey yiraahdeen in Xalimo Yarey ay bixiso mushaarka askarta iyo adeegyaasha doorashada .. labadaan qodob ayaa maanta si weyn looga doodaya