Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 28 September 2020

Farmajo Waa Is-Maqiiqaya .. Ood Iyo Mus Walba Jiiraya Oo Markaan Meel Aan Loo Joogin Ka Dusay

Tuesday - September 15, 2020



Mogdisho - Sida la xaqiijiyey shirka uga socda madaxda Somalida ayaa u muuqda in is faham la'aan xoogan ay ka jirto, oo soo kala dhex galay kadib marki madaxweyne Farmajo uu sheegay arin ka xanaajiyey masuullinta kale.

Inkasto qodabadi ugu adkaa la isla meel dhigay haddana madaxweyne Farmajo wuxuu shalay u sheegay masuullintaas kale in qodobka ugu dambeeya heshiiska laga dhigo in Baarlamaanka ansixiyo heshiiska, arintaaso ay diideen inta badan madaxweyna-yaasha maamul Goboleedyadu.

Madaxweyne Farmajo wuxuu ka soo dabcay qodobadi u diidanaa oo ahaa sidatan:
1- In Doorashada waqtigeeda la qabto
2- In Doorashada ay noqoto mid Dadban oo ku saleysan 4.5
3- In Guddi la sameeyo gudiyo cusub oo dhinacyada ka socda
4- In Tirda u codeynaaya xildhibaanada ay noqdaan wax ka hooseeya 100 Qof ( tiro cayiman la isla ma gaarin) iyo In Doorashada ay ka dhacdo goobihii kal hore.

Sida la xaqiijiyey Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ku raacsan madaxweyne Farmajo in heshiiska la hor geeyo baarlamaanka, halka Madaxweyne Deni, Qoor-qoor, Axmed Madoobe iyo lafatgareen ay ka soo horjeesteen