Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hogaamiye Bulshada Ma Wada Gaarsiin-Karo Dhaqaale Waxaase U Gaarsin-kara Oo Dadka Wada Deeqa Waa Cadaalada .. Suldaanki Cadaalada Badnaa

Wednesday - September 16, 2020



Hada ka hor waxaa jirey nin Suldaan ahaa oo bulshada uu maamulo aad u jeclaayeen,waayo suldaanka waxuu ahaa qof cadaalad badan, dadka qadariya marna dhankiisa xumaan aan laga filan jirin, balse intuu hogaanka u hayey bulshda marna ma dhacin Suldaanka inuu hantida bulshda ku ciyaaro ama qof uga eexdo qof kale.

Suldaanki Mudo dheer markii uu talinayey ayuu gaboobey oo tabar-dareeyey waxaana la soo gaarey xiligi uu suldaanka xilka ka dagi lahaa.

Waxaa dhacday in Suldaanki u maalin lumey Rati uu aad u jeclaa .. suldaanka madaamo uu duqoobey ma raadin karo Ratigii u aadka u jecla, balse hawlihiisa waxaa ku caawin jirey Wiil uu dhaley iyo Wiil uu adeer u yahey.

Suldaanka oo Ratigiisi uu aadka u jeclaa aad ayuu u tabay wuxuuna go'aansadey inuu u diro wiilashiisa, hasa-yeeshae inta uusan dirin Wiilashii ayaa Suldaaanka waxaa ku soo dhacay inuu labada jiho u kala diro wiilasha inkastoo Suldaanka aad uga fakirayey dhanka galbeedka magaalada maadaama dhanka galbeedka magaalada tuugo bulshada aad uga baqdo ay mararka qaar timaado dadka waxa ay sitaana ka dhaca hadii ay ka waayaana xoolo ama hanti waa ay dilaan.

Fakir badan kadib suldaanka waxaa la wanaag-sanaatey inuu wiilasha u kala diro labada dhan si uu mid isagoo nabad qaba dib ugu soo noqdo .. waxuu u direy wiilka uu adeerka u ahaa dhanka bari halka wiilka uu dhaley u direy dhanka galbeedka oo ahaa dhankii tuugada soo weerari jirtey.

Waxa ay saacado maqnaadaan Wiilashii, waxaa si nabada ku yimid wiilki suldaanka isagoo Ratigi hogaanka u haayo halka saacado kadib sidii loo sugayey wiilkii uu adeerka u ahaa uu yimid xili maqrib-nimo ah isagoo boor wajiga ku leh si nabad lehna ku soo gaarey gurigii suldaanka.

Subaxdii xigtey marki bulshada soo kacdey suldaanka waxuu isugu yeeray dhamaan bulshada ileyn subaxaa suldaanka waxuu rabey inta xilka uu ka dagin inuu bulshada su'aal weeydiiyo, dadkii ayaa isku yimid iyagoo la yaaban suldaanka maanta waxuu weeydiin doono, waxuu su'aaley bulshadi "qof wax iga tabanayo ma jiraa intaan xilka idiin hayeyā€¯ sidii loo aamusna ayaa waxaa hadley wiilkuu adeerka u ahaa isagoo dhahaya: Adeer aniga ayaa cadaalad daro tabanaya .. Suldaankii ayaa waxuu ku jawaabey: Adeer cadaalad darada aan kugu sameeyey soo bandhig .. wiilkii ayaa waxuu ku jawaabey: Adeer shaleyto markii Ratiga lumay aanu raadinaynay aniga waxaa ii dirtey dhanka Bari sidaan Ratigaaga u keeno waana soo waayey .. wiilkaagana waxaad u dirtey dhanka galbeedka ratigiina wuu soo heley

Suldaanki ayaa waxuu yiri:  intaas miyaad cadaal daro u moodey ..  Wiilki ayaa ku jawaabey: maya adeer adiga ma hubin Ratiga dhanka uu jirey laakiin aniga cadaalad daro waxaan u dareemaya inaad ii dirto dhanka Bari .. Suldaanki ayaa dhahey: oo sidee cadaalad daro ku noqotey ..  Wiilki ayaa ku jawaabey: Adeer dhanka bari subaxi markaan u socdo qoraxda aroortii ayaa i qabata oo waan ku sii jeedaa halka wiilkaaga dhanka galbeedka markuu u socdo qoraxda ka sii jeedo mana qabaneyso, aniga markaan galabtii soo caraabayo qoraxda ayaa igu soo jeeda oo sidaas ayey igu qabaneysaa halka wiilkaaga galabti marka uu soo caraabayo qoraxda ka sii jeedo, adeer sidaas ayaad cadaalad daro u fashey.

Suldaanki ayaa bulshada u sharxey sababta uu labada wiil ugu kala direy labada jiho bulshdiina sidaa ayey ku qanceen wiilkii uu adeerka u ahaa wuu ku qancey inuu wiilkiisa naftiisa halis galiyey intuu wiilka uu adeerka u ahaa galin lahaa.

Dulucda waxa y tahay sida qofka hogaamiyaha ah looga baahan yahay inuu ummadda uu madaxda ku dhaqo cadaalada, waayo hogaamiyahu dhaqaale ma wada gaarsiin karo bulshada waxaase uu gaarsiin karaa oo dadka wada deeqa waa cadaalada.