Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Allaha Ha U Naxariisto Imaam Shafici Ma Dhiman ILaa Inta Dhaxalkiisi Cilmiga Ina Dhex Yaal .. Riyooyinki Cajabka Ahaa Ee U Arakay Imaam Shaafici Marku Yaraa

Wednesday - September 23, 2020



Rag badan oo kamid ah culumada waaweeyn ee ahlu xadiithka ayaa waxay qoreen kutub u gooni ah taariikhda imaamu shaafici, waxayna ka hadleen cilmigiisa, sharafta ilaahay siiyay, qiimaha uu u leeyahay umada islaamka iyo sida uu diinta islaamka u soo nooleeyay. 

Imaamka waxaa la sheegaa inu ku dhashay magalada "Gaza", laakiin qaar ayaa u badiya inu ku dhashay nagalada "Casqalaan" oo ku tal dhinaca Falastiin .. Xaga abtirsiga nasabka waxay Nabiga SCW isaga soo dhacaan Qoreyshti Reer Cabdi Munaaf .. Imaamka wuxuu aabihiis dhintay isagoo Uurka hooyadi ku jira, kadibna waxay hooyadiis la timid dhulka barakeysan ee Maka- Al-Mukarama
 
Imaamka oo ahaa agoon hooyadiis soo korsatay oon xoola lahayen, wuxuu xifdiyay (qur’aanka kariimka ah) asagoo Todoba-jir ah, halka Toban jirkiisina u ku xafiday Kitaabka la yiraah Al-muwara oo u qoray Imaaam Maalik .. Imaam Shaafici culimada u wax ka bartay waxay gaarayeen illa 79 Shiikh oo kala joogay arlada Shaam oo u ka qaatay tafsiirka, xadiithka, taariikhda iyo qayba kale oo kamid ah shareecada islaamka .. Laakiin isaga waxaa cilmigiisa ka aflacay culima badan oo taariikhda gashay

RIYOOYIN UU ARKAY IMAAM SHAAFICI MARKUU YARAA:

Imaam Shaafici waxaa laga xigtay oo u yiri: Nin dad wax baraya ayaan arkay markaas baan u soo dhowaaday waxaana ku iri: Wax i bar markaasuu jeebkiisa wuxuu ka soo baxshay Miizaan waana i siiyay wuxuuna yiri: kan adaa leh kadibna waxaan u tegay nin riyooyinka fasira wuxuuna igu yiri: waxaad noqonaysaa hormoodka Cilmiga waxaadna ku sugnaanaysaa Wadada xaqaa iyo sunnada nabiga (SCW) 
 
Mar kale ayaa shaafci Riyo ku arkay nabiga(SCW) wuxuuna yiri: Rasuulka ayaan arkay waxaana ku iri Labbayka yaa Rasuulallaah wuxuu igu yiri yaad ka tirsantahay? Waxaan ku iri: waxaan ka tirsanahay jamaacadaada wuxuu yiri: iisoo dhowaaw waan u dhowaaday wuxuu soo qaatay Candhuuftiisa markaasaan afkayga kala furay wuxuu marmariyay Candhuuftiisii Carrabkayga, bushimahayga iyo afkayga wuxuuna yiri: Alaha kuu barakeeyo candhuuftayda shaaficiyow .. Shaafici ayaa yiri ilaa maalintaas kadib xadiith iyo wax kale midna igama khaldamin.

Waxaa kalo Imaam Shaafci laga wariyey inu yiri: anoo jooga magaalada Bagdaad ayaan waxaan ku Riyooday Sayid Cali Binu-Abiidaalib oo soo fariistay agtayda markaasuu siibay faraantigiisii dabadeedna wuxuu geliyay gacantayda ..  dabadeed Nin cabiraa Riyada ayaan u tegay wuxuuna yiri: Qorrax ka soo-bax iyo Qorrax u dhac meeshii Sayid Cali lugu xuso adna waa lugugu xusayaa

Markale waxaa shaafici laga maqlay inu yiri: qof ayaa riyada dhexdeeda igu yimid u markaasuu qaatay kutubtaydi wuxuuna ku firdhiyay hawada markaasay kala biday waxaan uga qiseeyay Riyadaas nin Riyada fasira wuxuuna yiri ma jirto meel Muslim joogo oon cilmigaagu gaarayn.