Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sil-Siladi Taariikhda Nabi Yaxye .. Haweyneydi Welefka La Harsan-Weydey Ee Dhagarta U Maleegtay Nabi Yaxye Iyo Sida ILahaay Uga Aargoostay

Sunday - September 27, 2020



Waqtigii Nabi Yaxye NNKH, waxa jiray Nin Boqora oo hanti badan haystay, kadibna waxa jeclaatay boqorka haweenay xoolo-doona oo u ah maxram( walaalkiis baa dhalay baa la yiraah ) boqorkii waxa uu ku yiri gabdhii bal waxaan waydiinaynaa nabiga ilaahay ee Yaxye inay banaan-tahay in la guursado dumarka maxramka ah, kadibna waa la waydiiyey  Nabi Yaxye waxaanu yiri : Su'aashaas waa Maya oo waa xaaraan inaad is guursataan ismana gaydaan, isla markaana wuxuu u sharxay arimaha dhabta ah ee ku gaadaaman Muxramka oo la guursado.

Boqorkii waxa uu arintii u sheegay haweentii jeclaatay, kadibna gabdhii oo murug iyo culeysa badan saarmay waxay u tagtay hooyadeed ugana warantay xaalkeeda iyo diidmada u keenay Nabi Yaxye .. Markaasay hooyadeed ku tiri gabarteedii: Boqorka fitnee oo is qurxi kadibna u tag oo isu bandhig ..  haweenaydii intay is-qurxisay ayey u tagtay boqorkii kadibna ka dalbatay inuu kurta kasoo gooyo Nabi Yaxye hadaad doonayso inaad iga sinaysato.

Boqorkii su'aal la'aan isla markiiba ciidamo ayuu diray waxayna qoorta laga soo gooyey Nabi Yaxye, markaasay madaxiisi horkeeneen boqorkii iyo gabartii oo isla fadhiya oo yiraahdeen waa kan madaxi Yaxye

Haweenaydii ayaduu faraxsan ayey ku tiri boqorkii iminka waxaad doonto samee, waxaase isla markiiba iyo si lama filaan ah haweenaydii liqay dhulka ayadoo ay arkayaan dadkii iyo hooyadeed, Ilaahayn waa ka aargoostay, dhagartii ay maleegtayna waa la go’day.