Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

China Wixii U Qarinaayey Oo Rabi Ka Dhawaajiyey .. Caalamka Oo Ogaaday Shiinha Inu Si Balaariyey Xarumaha U Ku Hayo Mulimiinta Uighur-ka

Monday - September 28, 2020




Shiinaha ayaa waxa uu ballaariyay xarumaha uu ku hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka, inkastoo Shiinuhu uu ku adkaystay in barnaamijka “dib-wax-u-barista” aad loo khafiifiyay, warbixin cusub ayaa sidaasi sheegtay.

Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Australia ayaa sheegaya in 380 xarumood oo laga shakisan yahay inay ku yaalaan gobolka Xinjiang – tiradaas oo 40% ka badan xarumihii markii hore la qiyaasayay inay jiraan.

Shiinaha ayaa sheegaya in ujeedka xarumahaas uu dhisay ay tahay in lagu xakameeyo sabool-nimada iyo xagjirnimada diinta ku salaysan ee ka jita gobolka Xinjiang. Hasayeeshee Mareykanka ayaa xarumarahaasi waxa uu la meel dhigay inay yihiin goobo dadka lagu ciqaabo.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ugu yaraan hal milyan oo qof lagu xiray hanaankaas .. Warbixinta ayaa waxaa lagu ogaaday in 100 xarumood oo dheeraad ah oo dad lagu hayo ay muujinayaan baaritaannada la sameeyay, kuwaas oo lagu saleeyay sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed, wareysiyo lala sheegay dad indhahooda goobahaas ku soo arkay, warbixinada ay warbaahintu tabisay iyo dikumintiyo rasmi ah.

In ka badan 60 goobood oo dadka lagu xiro ayaa waxaa la dhisay intii u dhaxaysay July 2019 illaa July 202, halka 14 xero oo kalana haatan uu dhismaha ku socdo, sida warbixintu ay sheegayso.

Beijing ayaa waxa ay wajahday cambaarayn caalami ah oo ku aaddan xeryahaas lagu hayo dadka u badan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka, hasa ahaate Dowladda Shiinaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegtay in “xarumaha lagu barto farsamada gacanta” ay fursado shaqo abuurayeen kana qeyb qaateen la dagaalanka sabool-nimada ee gobolka Xinjiang.