Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Sheeko Ka Soo Jeeda Suugaanti Hore Ee Dhulka Faaris/ iiraan .. Qiisadi Alfa Leyla Waa Leyla Oo Kooban ( Kun Habeen Iyo Habeyn)

Wednesday - September 30, 2020


Beri waxaa jiri jiray Suldaan nolol liibaan leh oo qasrigiisa kula noolaa Marwo uu aad iyo aad u jeclaa, waxuuna ooriidiisa isago wax walba u huraya u xanaaneyn jiray si wacan, hasa-ahaate nasiib daro iyadu waxay ahayd Qof xun oo aan daacad ahayn, waxayna xiriir qarsoon la lahayd Nin kale .. kolkii uu suldaankii taa ogaaday inta u muraal-dilaacay ayuu Naagti qorta ka gooyey, intaa uun kuma ekaane haddi u ahaan jiray Suldaan wanaagsan waxa u caadeystay habeen kasta in Naag cusub loo hooyo, dabadeed aroorta kala waagu beryo uu qoorta ka jaro.

Iyada oo xaalku sidaa yahay ayey gabar la yiraahdo "Shahrasaad" oo Nin wasiir ah dhalay soo jeedisay in iyada caawa suldaanka loo guuriyo, waa la yaabay oo loo qaadan-waayey, waxaana la mooday inantu in ay waalatay, waayo waa la ogaa haddi ay sidaas yeesho in ay aroorta xigta dhimaneyso. kolkii la qancin-waayey sidii ay dooneysay ayuu aabaheed u yeelay oo isago oo aad uga murugsan Suldaanka macangaga ah ee gabadhiisa shahrasaad loo geeyay.

Inanta Shahrasaad waxa ay ahayd qof garaad badan oo aan sheekeyn-teeda laga xiiso dhicin. haddba habeenki kolkii qasrigi la geeyey suldaankii waxay ka codsatay arin qura taas oo ah habeenkaa nolosheeda ka hartay in uu u ogolaado walaasheed in ay halkaan ugu timaado oo waheliso .. Suldaanku wuu ka yeelay, dabadeed caweyski inantii waxa ay walaasheed shahrasaad ka codsatay in ay u sheekeyso, iyaduna kolley waa wax la isla ogaaye, waxay u bilawday sheeko aad u xallad iyo xiiso badan.

Suldaanka dhiniciisa ayuu sheekada dhegta uga raaricin-jiray, haddba intii gunaanadkii sheekada waxa ay dabada kaga gunaanaday sheeko kale oo iyadana aad u xiiso badan oo qabyo ah.

Waabarigi kolkii Suldaanki ninkii naagaha u dili jiray u yimid. walaasheed dhulka ayey isla dhacday oo baroor ayey bilawday iyada oo suldaanka ka baryeysa in uu maanta oo qura walaasheed dilka ka daayo si ay caawa sheekada qabyada ah ugu dhameyso, isagina wuu ka yeelay oo Shahrasaad aroorta dilkii wuu ka baajiyey, isagoo wa suldaanke sida muuqata naftiisa qisada qabyada ah aad u xiiseynaya .. sidaas ayey ku waday Habeen walba in ay sheeko macaan u mariso, dabadeed waabarigi mid cusub oo qabyo ah ku gunudo.
Suldaanki sidaas ayuu isaguna aroor kasta nolol ugu daaya si ay habeenka xiga sheekada ugu si wado .. waxa ay arin socotaba waxaa la isla gaaray kun Habeen iyo hal Habeen oo ay uga soo sheekeysay kun sheeko iyo hal Habeen oo quruxda iyo xiisaha kala daran.

Ugu dambeyn Shahrasaad suldaankii waxay u dhashay wiil qurux badan, dabadeedna gabadhi waa u jeclaaday oo guursaday .. maalinti kadib suldaankii wa u ka bogsaday naceybkii uu dumarka u hayey waxuuna markale noqday Suldaankii wanagsanaa ee la jeclaa.

Qisadaan Kun Habeen iyo Habeen waxaa lagu qoray magaalada Baqdaad waqtiyadi ( islamic golden age amase Caliphate Era) , waxayna sheekadaan badankeeda ka soo jeeda suugaanti hore Ee dhulka Faaris/ iiraan, sheekooyinka ku dhex jira qisadaan waxaa mid ah : Cali Baaba iyo Afartanki Tuug ( Ali Baba and the forty thieves)  Sindibaadkii Bad-mareenka Ahaa ( Sindabad the sailor) Iyo sheekadi Calaa u Diin ( Aladdin)