Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Sheekooyinka Reer Miyiga Ee Falsafadeysan .. Dawacooy Afku Dufanley

Thursday - October 8, 2020



Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid Habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaarsadeen oo disheen neef Geel ah .. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yiri ciidanku waa badan yahay, Neefka barkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, barka kaloo dhan wada qaado.

Libaaxii oo isagu isla rabay inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hara ay Habar-dugaag oo dhan wadaagaan .. Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa Waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah Waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna Dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, Neefki hilibkiisii qaybiso.

Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tiri: Boqoroow ku wada siiyaye Neefka ee wada qaado .. Libaaxii oo qaybinta Dawacada ku qancay ayaa dawacadii ku yiri: Yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray? ka dibna dawacdi ayaa tiri: isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay.

Maalinkii dambe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaco- na la joogto ayey neef Geel ah disheen .. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney xita ka hadasho gaajada haysa.

Waraabihi oo jawaabtIi ay dawacadu libaaxi siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa welina xasuusan, ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo Dawacada, ayadoo gaajeysana ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco waxa loogu sii daray Cad baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh si habar-dugaaga martida ku ah goobta hilbaha qaybsiga u yiraahdaan iyadu waa dharagtay oo cunto uma baahna .. Dawacooy Afku Dunfaley