Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 24 October 2020

Dagaalka Argagixisada Ee Xagjirka Diineed .. Sidee Looga Adkaan-kara Xagjirka Al-Shabaab

Friday - October 9, 2020



Taariikhdi Dhaqanka Islaamka marar badan waxaa ka soo dhex baxay kooxo argagixiso oo ka tagay taariikh madow oo xanuun badan. Waxaa ka mid ah qolo loo aqoon jiray "Qaraamida" taas oo ka dillaacday Madhabta Ismaaciiliyada Shiicada sannadkii 899 Miillaaddiga .. Kooxdan oo maamul xagjir iyo qawlaysato ah ka samaysatay Bariga Sacuudiga wax ay dhaqan iyo nolol ka dhigatay in ay si foolxun u gumaaddo Muslim walba oo ay fursad u hesho .. waxa ay boob iyo baabbi’in ku la kacday dadka xujayda ah ee Kacbada ku socda .. Kooxdaas "Qaraamidada" waxay kacbada ku dishay dadki xajinaayey oo tradoodu dhameyd 30-000 oo Xaaji, waxayna fuqsatay oo qaadatay Xajar Aswadka oo ay 22 sano la maqnayd.

Waxaa iyaduna 300 oo sano buuraleyda iiraan iyo Suuriya ku jirtay koox argagixiso ahayd qudheeduna ka jabtay is la kooxda Ismaaciiliyada Shiicada. Waxaa loo yaqaannay "Xashaashiyiin"oo micnaha ah Khaarijiye, waana halka ay reer galbeed ka keeneen kalmada Assassin- Assassination,  waxayna kooxdaas ku belaysnaayeen in ay dadka Muslinka gaar ahaan madaxda dawladaha saqda-dhexe u soo dhacaan oo iyada oo aan la dareemin hurdada ku bakhtiistaan ama meel daran u qafaashaan.

Haddaba taariikhda casriga ah dhaqanka xag-jirnimada muslinka waxaa ka dhex bilaabay baa la dhihi karaa Maxamed ibn Cabdiwahaab sannadkii 1744. Hayeeshee tan maanta ina haysataa wax ay toos ugu abtirsataa dagaalkii Midowga Soofiyadka ee Afganistaan (1979 – 1989), dagaalkaas oo ay u jihaad tageen dhallinyaro aad u farabadan oo ka yaacday Dunida Islaamka oo dhan gaar ahaan Carabta. 

Dhallinyaradaa waxaa dagaalka ku dhiirrigaliyay oo ku maalgaliyay Carabta Gacanka iyo reer Galbeedka oo labaduba doonayay in Midowga Soofiyati halkaa ku jabo. Dagaal-yahankaas oo loo yaqaannay al-Mujaahidiin berigaa si xad dhaaf ah baa loo buun-buuniyay ilaa Soofiyadkii jabay Dagaalkii Qaboobaana dhammaaday.

Dabadeed dhallinyaradaasi kolkii ay dhulalkoodii ku soo noqdeen waxaa loo arkay halis dhiig baratay oo aan bulshooyin-kooda iyo dawlada-hooda nabad kula noolaan karin. Sidii bay noqotay oo saddexdii Dal ee tirada ugu badani ku soo noqotay oo ahaa Aljeeriya, Masar iyo Sacuudiga, markiiba wax ay ka bilaabeen falal argagixisanimo ah horraantii 1990-nadii .. Aljeeriya oo ahaa dalkii ay ugu darnaayeen wax ay ka rideen dagaal sokeeye oo socday tobankii sano ee 1991 – 2002, waxaana dagaalkaa ku dhintay 300-000 oo qof iyo 20.000 oo la waayey .. sido kale Masar iyo Sacuudiga iyagan meydka ayaa jidadka laga guraayey .. hadaba somaliya waxaa soo galay bartamihi 1990 inamadi Cayrow, Godane iyo Afgani oo ka yimi afgaanistaan .. fikirkooda ayaa ujeedkiisa ahaa in dunida ay qabsadaan kuna xukuman shareecada islaamka 
---------------------------------------------------
Haddaba dadka caynkaas ah ee halaagsamaya dadkana halaagaya la isaga celin karaa? Sidee bay isaga celiyeen dawladaha muslinka ee masiibadani ku habsatay? 

Aljeeriya oo sidii aynnu sheegnay waaya’aragnimo aad u xanuun badan soo martay wax badan baynnu ka baran karnaa .. Aljeeriya maanta argagixisadii si buuxda ayay uga adkaatay, wax ayna si weyn uga shaqaysaa ka hortagga si aanay mar labaad bohoshii cadaabta ugu dhicin.

Sannadkii 2004 magaala-madaxda Aljeris waxaa laga furay Machad weyn oo lagu daraaseeyo laguna baaro argagixisada, lana yiraahdo Xarunta Afrika ee Daraasaadka iyo Baaritaanka. Halkaa waxaa lagu qabtaa doodo iyo muxaadarooyin la is ku dhaafsado xogta, aqoonta iyo waaya’aragnimada masaladan ku saabsan, Afrika, Carabta iyo Yurub intaba. Haddaba meelahaas oo kale in aynnu u irkanno oo talo ka raadinnaa waa door .. Guud ahaan qodobbadan hoose ayaa ila qumman in la gula tacaalo xag-jirnimada diineed iyo argagixisada dhulalka Soomaalida ka jirta.

U gu horrayn waa in gacan adag la gu qabtaa agab kasta oo loo adeegsan karo samaynta qaraxyada .. Waa in dabagal adag lagu sameeyaa ilaha dhaqaale ee argagixisada, ciqaab adagna la mariyaa cid walba oo taa ku lug-yeelata .. Kooxahan iyo dadka u aanooba waa in la gu sameeyaa dabagal sirdoon iyo xog ururin buuxda .. waana in dad badan oo bulshada rayidka ah taa loo adeegsadaa.

Waa in la qab-qabtaa si walbana looga takhallusaa shakhsiyaadka gali kara falal argagixisanimo inta aanay galin .. Waa in la helaa ciidan gaar ah oo si adag u tababaran, una dagaallama si aad u qallafsan .. Hawshan gelisteeda waa in laga yareeyaa adeegsiga ciidamada shisheeye intii suuragal ah, waayo argagixisada wax ay ka dhigan kartaa dacaayad ay wax-magaratada ku kasbadaan oo ah in ay shisheeye la dagaallamayaan, is la markaas oo shisheeyaha qudhiisu dagaalka ujeeddo xun ka yeelan karo.

Dhinaca kale Sidee looga hortagi-karaa in dadku ku siqaan argagixisada?

1. Waa in warbaahinta qaranka si cilmiyaysan oo tayaysan loo gu jiheeyaa wacyigalinta bulshada, gaar ahaan barbaarta .. Waana in suxufiyiinta xilkooda ku dhiirran amnigooda la sugaa .. Waa in manhajka tacliinta la ga hubiyaa dhaqanka nacaybka iyo xagjirnimada ..  Waa in cid wal oo ka hawlgasha masaajid ama goob kale oo dadweynaha wax loo gu sheegaa ay haysataa aqoonsi iyo oggolaansho ay hawshaa ku qabsato .. Waa in hay’adda amniga ee dawladdu waalid walba ka saxeexdo in uu soo gudbiyo xagjirnimo wal oo ku soo korodha ilmaha uu masuulka ka yahay iyo cidda galisay.

Waa in oday dhaqameedyada qabiilooyinka dhammaantood dawladdu la gashaa wacad ah in aanay qabiilkooda dhexdiisa iyo degaankooda u oggolaan koox argagixiso ah iyo cid wal oo cadaw ku ah Qaranka ama qayb bulshada ah. Haddii aanay iyagu keligood waxba ka qaban karinna waa in ay dawladda la kaashadaan”.