Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Biyo La Cabo Waa Caafimaad .. Faaiidooyinka Laga Helo Biyaha La Cabo Subaxa Hore

Wednesday - October 14, 2020



Waxaa la wada ogsoon-yahay qiimaha weyn ee Biyuhu u leeyihiin nolosheena guud ahaan, wa hubaal inaynan ka maarmi-karin Biyaha dhamaan dhinacayada nolsheena .. Biyaha weynu cabnaa, weynu ku mayranaa, oo waanu ku waraabinaa beeraha iyo nimcoolayda kale ee ilahay ina siiyay, xataa dhamaan Gaadidka samayska ah noocyadiisa kala duwan weyn ognahay inayn shaqayn karayn biyo la' aan. 

Cabidda Biyaha waqti hore  oo subixii ah, waxay leeyihiin faiidooyin caafimaad oo badan, dhamaan Organs-ka jirku waxey u baahan yihiin Biyo si ay u qabtaan shaqooyin-kooda maalin-laha ah si sax ah. 
Qaar ka mid ah faiidooyinka laga helo cabidda Biyaha waqtiga hore ee subixii ah: 

1. Waxay nadiifinayaan Mindhiciraha (intestines), kadib jirka waxa uu awood u yeelanayaa in si fudud saxarada iskaga saaro 
2. Jirka ayeey ka saaraan sunta (Toxins).
3. Markaad cabtid Biyaha subaxa hore waxaad waqti hore dareemeysaa Gaajo waxaanad awood u yeelanaysa inaad quraacatid.
4. Biyaha waxey kordhinayaan dhiiga (Blood), haddii uu dhiiga kugu yaryahay cab Biyo badan subaxa hore.
5. Waxey Biyuhu ka hortagaan madax xanuunka (Headache)
6. Waxay fududeyaan Biyahu dheefshiidku si fudud u burburiyo cuntada.
7. Waxay yareyaan culeyska jirka (Weight loss)
8. Waxay qurux iyo dhaldhalaal ka dhigaan Maqaar-ka.
9. Waxay kordhiyaan tamarta (Energy).
10. Cabidda biyaha subax hore iyadoo calooshu marantahay waxay xoojiyaan difaaca jirka (immune system), Biyahu aad ayeey muhiim ugu yihiin jirka waxayna ka qeyb qaataan isu dheeli-tirka Fluids-ka jirkeena ku jira.