Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qiiso Dhacday Xiligi Saxaabada .. Lagdan Dhex Maray Nin Saxaabi Ah Iyo Nin Kale Oo Jin Ahaa

Thursday - October 15, 2020



Saxaabi C/llahi Ibnu Mascuud Allaha Ka Raali Noqdee ayaa laga wariyay inuu yiri: Nin Asxaabta Nabiga CSW ka mid ahaa oo Insi ahaa ayaa waxuu jidka kula kulmay nin kaloo Jini ahaa markaasey lagdameen, waxana dhulka la dhigtay Ninkii Jinka ahaa, yaab badanaa!! See u dhici kartaa in qof Insi ah uu dhulka dhigto qof kaloo Jini ah!

Sidaas oo kale ayuu u yaabay ninkii Jinka ahaa markaas ayuu ku Yiri Ninkii Saxaabiga ahaa ee Insiga ahaa mar kale iigu celi hadda waad i gaaddee! Haddana markaley is-galeen laakin yaabka yaabkiis markalaa Ninkii Jinka ahaa dhulka lagu kala Bajiyay! Yaab badanaa Maxaa Qaldan? In labo jeer oo isku xigta dhulka uu dhigto Nin Insi Ah mid kaloo Jini ah waa cajiiib? Intaas kadib ninkii Asxaabta Rasuulka SCW ka mid ahaa ee Insiga ahaa ayaa la hadlay kii Jinka ahaa oo ku yiri.

Nin-yahow waxaan kuu arkaa inaad tahay mid duleysan oo aad u tabar daran oo wax ma tare ah, Garbahaagana waxey u egyihiin Garbaha Eyga oo kale, Ee aniga waaba yaabanahee! Kuligiin hadaa Jini tihiin Sidaan oo kale Maa u Tabar daran tihiin ii Sheeg?!? Mise Waa Kuu Kaligaa Tabardarida?

Ninkii Jinka ahaa ayaa u Jawaabay Insigii waxuuna ku yiri; Maya Wallahi Allan ku Dhaartee Aniga ayaaba ah Jinka kooda ugu Xooga badan uguna Karti iyo Dhiiranaan badan, Ee Fadlan Mar Sedaxaad Iigu Celi Lagdanta .. oo Hadaad markaan iga badiso oo dhulka I dhigato waxan ku bari-doonaa arin ama shey aad kuu anfici doono!

Intaas kadib haddana waa is-galeen laakiin mar sedaxaad ayaa Jinkii dhulka lagu dhuftay!! Markaas ayuu ninkii Saxaabiga ahaa ee bani-aadamka ahaa ama Insiga ayaa ku yiri Jinkii.Waxaad ii balan qaaday inaad i bari-doontid haddaan ku lagdo mar 3-aad wax aad ii anfici doono hadaba I Bar Hada.
Jinkii ayaa ku yiri; waa runtaa ee ma akhrisataa AAYATUL KURSIGA?

Insigii ayaa u jawabay oo yiri; Haaa Waan Akhrisataa! Markaas kadib Jinkii ayaa Insigii ku Yiri; AAYATUL KURSIGA Guri laguma akhriyo illaa hadii lagu Aqriyana Sheydaanka waa isaga baxaa oo weliba isagoo dhuuso ka socoto ayuu gobta isaga carara