Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Sheeko Cajiiba .. Waxaan Sawiraa Janada Oo Waxaan U Kala Qaada Qaybo

Sunday - October 25, 2020



Maalin Maalmaha ka mida Haweeney ayaa soo martay nin maskaxda ka naafo ah oo UL haysta oo dhulka wax ku sa-sawiraya .. Haweyneydi oo aragti in Ninka si uun wax ka yihiin waxay su'aal ku weeydiisay: Walaal Maxaad halkaan ka qabaneysa maxayse yihiin waxaan aad dhulka ku sawireyso?

Wuxuu yiri: Waxaan sawiraa Jannada oo waxaan u kala qaadaa qayb-qaybo kala duwan, dedna haweyneydi intay dhoolla caddeysay ayey ku tiri: Oky Ma qaadan karaa qayb ka mid ah waase imisa? Ninki Intuu eegay ayuu yiri: Haa qaybtii waa labaatan Dolar .. Haweyneydi iyado faraxsan waxay siisay labaatan Dolar iyo xoogaa cunto ah wayna tagtay.

Haweyneydi habeenkii markay seexatay waxay ku aragtay Riyo iyada oo jannada ku jirta .. dabadeedna Subaxdii waxay uga sheekaysay Riyadedii ninkeeda waxayna uga warantay qisadii dhex martay iyada iyo ninkii naafada ahaa .. Ninkii ayaa kacay oo u tegey ninkii wax sawiraayey si uu isna qayb uga soo iibsado janada uu dhulka ku sawirayo, markaasuu ku yiri: Waxaan doonayaa inaan iibsado qayb Jannada ka mid ah, waana imisa? Ninkii wuxuu yiri: Anigu ma iibinayo jano ee iska raali ahaw.

Ninkii wuu yaabay oo wuxuu ku yiri: Shalay waxaad xaaskeyga ka iibisay qayb Jano ah oo aad ka siisay labaatan dolar ee maxaa aniga igu diideysa .. Ninkii naafada ahaa wuxuu yiri: xaaskaagu jannada kuma doonaynin labaatanr doolar, Laakin waxay dhawraysay oo ay ilaali-naysay aniga qalbigayga iyadoo ii naxarii-sanaysa Adiguna waxaad dooneysaa oo keliya Jannada, Janaduna ma laha qiime go'an Sababtoo ah soo galitaan-keedu waxaa lagu helaa "kabida iyo ilaalinta qalbiyada." ee kaba oo dhawra qalbiyada iyo fikirka dadka kale .. ilaalinta ixtiraamka ilaahay ayaa wuxuu ku dhex bad-baadiya khatar kasta oo ku xeeran

Ninkii isagoo ilmaynaya gartayna inayna wax siintu ahayn muhim, laakin ixtiramka iyo dhawrista qalbiyada dadku ay tahay guusha ayuu dib ugu laabtay gurigisii.