Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Istanbuul .. Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi Oo Salaadi Subax Saaka Ku Tujiyey Musllimiinti Masjidka Weyn Ee " Ayaya Sofiya"

Thursday - October 29, 2020



Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa saakay salaadda subax ka tujiyay masaajidka caanka ah ee Aaya Soofiya, ee ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kaddib 86 sano oo uu madxaf ahaa, dhismaha "Aaya Soofiya" ayaa markii ugu horreysay bishii July ee sanadkan waxaa laga dhigay Masjid, waxaana lagu tukaday salaadda Jimcaha, iyadoo ay halkaas isugu tageen dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah.

Dhismahan waxaa Masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin kaddib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii .. Sheekh Maxamed Idris ayaa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaalka Sheekh Cabdirashiid oo Masaajidka ka tujinaya salaadda:

Aayaa Soofiya waxa uu ahaa dhisme kaniisadeed oo uu dhisay imbiraadoorkii Baysantayn-ka, Justinian sannadkii 537 .. Waxa la rumaysanyahay in uu ahaa dhismiha kaniisadeed ee ugu wayn dunida.
Sannadkii 1453 ayaa ay Cismaaniyiintii jabiyeen boqortooyadii Baysantayn-ka oo ay gacanta ku dhigeen cah-digii Suldaan Maxamed-kii labaad. Waxaanu Suldaanku markii la qabsaday magaaladaa ku oogay salaadii Jimce oo jamaaha ah dhismaha Aaya Soofia.

Isla markiiba Cismaaniyiintu waxay dhismaha u bedeleen Masaajid, waxaanay ku dareen dhismaha afar Minaaradood oo dhaadheer, waxaana sawirradii masiixiiintu ku qurxiyeen lagu deday sharraxaad dahab ah oo lagu dhigay aayado Quraan ah iyo qoraallo kale oo qurux badan oo Af-Carabi ah.

Qarniyo badan oo uu astaan u ahaa imbiraadooriyaddii Islaamka ee Cismaaniyiinta ka dib, waxa markii Turkigu isku rogay jamhuuriyadda Cilmaaniga ah laga dhigay dhismaha goob matxaf ah.
Aayaa Soofiya haatan waa goobta ugu caansan dalka Turkiga oo waxa sannadkiiba u daawasho taga in ka badan 3.7 milyan oo qof oo dalxiiseyaal ah.