Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Wa Taas Cidla Ku Ban-jartay Beenti Farmaajo Ee Ahayed Doorasho Waqtigeed Bey Ku Dhaceysa .. Fedaraalka Oo Ka Baxday Heshiiski Doorashada .. Dayax Sii Dhacaya Nuur Lagama Sugoe'

Sunday - November 1, 2020



Siyaasiyin badan oo ku xeel-dheer odoroska siyaasada Somaliya, oo iyagu inta badan wax-yaabo badan oo aan dhicin wax kula baxa kuna dabaqa kolba xaalka waqtigaas la joogo, ayaa horay uga shakisanaa qaabka u ku socon-karo heshiis lala galo madaxweyne aan miyirkiisa joogin, kuwaasoo u arka in usan Farmaajo ku fiicneyn taaba galinta heshiisyada u galo ee kaliya xaalkiisu yahay been huu-haada dadka lagu khaawasiiyo iyo Qamuunyo ka dhawr oo foolasha u qaawi .. Waxaa hadda muuqata in farmaajo iyo ninka wax u sahmiya ee shaxda u ciyaara mr. Fahad Yaasiin ay durba hareer mareen balse olol ku shideen heshiiski doorashada ee madaxweynuhu uu la galay maamul gobooledyada, isla markaana albaab kasta oo ay ku kufsan-karan kursiga mnadxtinimada sharci iyo sharci-daraba garaacaya .. Sheeka-dooda Waa Shimbira-yahaw heesa iyo ciyaarti godod-laha ee ahayed dhan walba u bood oo wax kaa xaaraanti-meysani ma jiraan ee iska walaaqo .. Siyaasiyiintaas u dhuun daloosha xaalka socda ayaa ku tiraabtay in Ruuxa maanta aan weli wax ogaani iyo kufsi boobka Farmaajo waa mid aan xoolaha dhaamin oo loo ilaasho qaabka xoolaha loo raaco.
 
Somalidu waxay tiraahda: Weel waliba waxa ku jira buu dhidida oo micnuhu yahay wixii u galay baa dibada u soo if baxa si kasto la isugu dayo in la dado ..  Maanta cidi kama qarsoona waxa ay xaqiiqadu tahay iyo qaabka u farmaajo wax ku boobi-rabo .. Waa taa u adeegsanaayo awood dawladeed ee wax caburisa, Muruq iyo Maalba oo hantidi umadda la fut-futaynaayo sidii Muq-mad aroosa, isla markaana waxaa la xaqiijiyey inu ka si daray maryaha dhigtay kadib marki u heshiis gaara la galay Riisal wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo sidi u gacan ugu siin lahaa inu dib ugu soo laabto kursiga Villa somaliya .. Waxaa la odorosaya welina hubanti u si baahan inu jiro heshiis qoraal sir ah oo dhex maray labada dhinac oo ku saleysan arimo daahsoon, oo la rabo in la dhaqan galiyo haddi u xilka mar kale Farmajo ku soo laabto Villa Somaliya .. Farmaajo isagoon dalka afarti sano haba yaraate waxba qaban ayuu haddana raba in loo Nacam-leeyo oo sidi islaantii Careys Ciise laga daba qaado " Runtaa Iyo Aa-heey" 

Riisal Wasaare Abiy Axmed oo balantaas awgeed u soo shaqo tagay, ayaa sida la xaqiijiyey xariir toosa la sameeyey inta badan madaxda maamulada gobolada isago mid walba si hanjabaad u eg uga codsaday in ay taageero u muujiyaan soo laabashada Maxamed farmaajo .. hasa ahaate waxaa la sheegay madaxdaas qaarkood iney Abiy ku yiraahdeen: Anagu sharci ahaan ma xulno xildhibaanada faedaraalka ee wax dooranaya, balse waxaa soo doorta dhaqmeedyada Qabiilada ee haddu Farmajo wax ka rabo iyaga waa xildhibaanade ha la xariiro .. Abiy Axmed muxuu sheegi-kara amase ku hanjabaya isagaaba injirtu darereysaaye. 

Dhinaca kale Guddigi doorashada oo maamul goboledyadu soo gudbiyeen qaybtooda ayaa ila hadda usan madaxweyne farmaajo magacaabin qaybtiisi, taaso dhabar jab ah sii socod siinta hawlaha doorashada ..  Qorshahu wuxu ahaaa in gudiyada ay hawshooda bilaabaan 1-Novembar laakiin sida muuqata ma jiraan ila hadda guddi diyaara.

Madaxweyne Farmajo ayaa lagu eedeyaa inu ku meereysanaayo qorshe u xilka ku sii joogo taaso dalka dib ugu celineysa muran siyaasadeed oo horseedi-kara amaan-xumo iyo burbur dawladnimo