Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Dhacdo Fool Xun Oo Itoobiya Ka Dhacday .. Boqol Isirka Amxaaro Ah Oo Oromadu Si Fajac Ah U Dileen

Monday - November 2, 2020



Wararka laga soo xigtay cariga itoobiya ayaa la sheegaya in laga cabsi qabo in dagaal sokeeye uu ka dhex dilaaco Isirka Amxaarada iyo iyo Oromada kadib xasuuq ay shalay geysteen Oromadu .. 100 Qof oo Rayid ah ayey xasuuqeen Urura xoreynta Oramada hubeysan.
Raiisal wasaaraha itobiya Aby Axmed aya ka tacsiyeyey xasuuqa loo geystay Dada Rayidka ah.

Falkaan Wuxuu kor u qaaday cadaadiska siyaasadeed ee haysta Riisal Wasaare Aby Axmed .. gobolka Tigreyga ayaa iyana ku kacsan xukumada Adis ababa

Dhinaca Kale dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeya xukumaa itoobiya iyo maamulka Tigreyga ayaa cirka gaaray, taaso laga cabsi qabo in Tigreyga iyo Amxaaradu ay iskashi siyaasadeed yeeshaan si ay uga wada-dagaalamaan xukumada Aby Axmed.
 
Ciidamada Tigreyga oo u dhashay Raiisal Wasaarihi hore ee itoobiya Meles Zanawi ayaa ah kuwa qalab iyo tababar fiican.. boqlki 70% hubki cariga ahaa ee itoobiya ayaa Meles Zenawi isugu geeyey gobolkaas, waxaa iyana u degaankooda u ka sameeyey xeryah ciidamada ee ugu waweyn itoobiya iyo warshado lagu rakibo hubka iyo garaashyada casriga ah.

Maalmahaan waxaa suuqa soo gaaraya in amxaarada oo deris la ah gobolka Tigreyga ay wadaan waan-waan hoose oo looga tashanaayo Adi-Ababa .. Haddi taasi y suragsho waxaa loo yaaba Riisal Wsaaraha Aby Axmed oo isagu ka soo jeeda Qoomiyada ugu weyn Itoobiya, balse ah Qoomiyada ugu awood yar marka loo eego awooda Amxarada Iyo Tireyga .. Haddi Amxaarada Iyo Tigreyga heshiyaan waxaay Adis-ababa ku qabsan karan saacado gudahood, isla markaana itoobiyo oo idil waxay ku qabsan-karaan hal maalin oo qura