Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dur-Duro Geel Baa Ku Jaba .. Abiy Axmed Oo Go'doon Galiyey Goblka Tigreyga Gabi Ahaana Ka Jaray Isgaarsiinti

Wednesday - November 4, 2020



Dowladda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF oo weerar ku qaaday xero ay ku jireen ciidamada federaalka Itoobiya.

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, kaasi oo socon doona muddo lix bilood ah .. Waxa kale oo uu goluhu maanta isla qaatay in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Go’aankan ayaa u muuqda mid go’doon lagu galinayo gobolka Tigreyga oo si adag uga hor-yimid dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana abaabulayey dagaalo ka dhan ah xukuumada Abiy Ahmed.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in gebi ahaanba isgaarsiinta gobolka Tigreyga la jaray, kadib go’aanka kasoo baxay golaha, iyada oo kacdoon lagu diidan yahay dhawaaqan uu ka socda gudaha gobolkaasi, inkasta oo ay xiligan adag tahay in la ogaado faah-faahino ku aadan waxa ka socda gobolkaasi, maadama ay isgaarsiinta iyo internet-ku hawada ka maqan-yihiin.

Go’doonkan la galiyey gobolka Tigreyga ayaa la fahamsan yahay inuu dabo socdo amar uu Abiy Ahmed siiyey ciidamada militariga, si ay jawaab ugu bixiyaan "weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

Is mari-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF ayaa dhabaha saaray inuu isku rogo dagaal buuxa, xili ay muddooyinkii u dambeeyay ay diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaashu si adag uga digayeen arrintaasi.