Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Hubsiimo Hal Baa La Siistaa .. Galdogo Times Oo Raad Raac Iyo Dabagal Ku Sameysay Cabashada Qoyska Hindiga Oo Gabadhooda Lagu Dhibay Magalada Galdogob

Saturday - November 7, 2020



Waxaa in dhaweydba baraha bulshada ku kulanta iyo war-baahintaba ay qoraalo sidi maanyada u rogmaaya laga curiyey warar ay kaga hadlayaan Qoys ka soo jeeda magaalada Hyderabad ayaa qaylo dhaan afka furtay oo iyago beerka wax badan ka ooyaaya ay kaga codsadeen dowladda Hindiya iney soo gaarto kana saacido sidi dib loogu soo celin-lahaa gabadhooda, oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Galdogob 

Arintaan Iyo sheekada qoyska oo dhan walba loola dhaqaaqay ayaa Galdogob Times ku sameysay xuuraan iyo dabal-gal sida wax u jiraan, taaso si xog ah ay ku xaqiiqsatay in cabashda iyo buunka gabadha yeerineyso garba-saartana ku xoortay ay la xariirto xalad Maseyr oo Seyga gabadha qaba ay ku tuhuntay inu mogdisho gabar kale halkaas ku xil qarsaday .. sida la cadeeynaayo hooyada iyo caruurteeda ma jiraan wax dhib ah oo ay qabaan, balse nolol ahaan waa oky oo dhogor-tooda qurux iyo wanaag baa ka muuqda isla markaana aqal kiro ah kuma jiraan oo guri 4 qola dhagax ah oo ay iyagu leeyihiin bey ku hooydaan .. Seyga godobta laga tirsanaayo dambigiisa kaliya sida la sheegaayo waa safarka magaalada Mogdisho u ku aaday oo ay dhici-karto inu halkaas xubin xildhibaan ka doontay, ma daama u asal ahaan ka soo jeedo Isaaqa reer Waqooyi ee mogdisho wax ku qaybsanaaya.
 
Seyga gabadha qaba ee la yiraah Cumar Dahir Faarax, waa wiil reeraha degaanka ee Leelkase ay Abti u yihiin oo halkaas ku koray, Sida la yirina Seyga waa shakhsi hawraarsan leh xishooda wanaagsan oo daacad u ah xaaskiisa iyo caruurtiisa.