Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Timirtu Waa Cuntadi Rasuul-keena SCW .. Timirti Nabiga Loo Keenay Iyo Ducadi U Ka Yiri

Monday - November 9, 2020


Timirta Tijaabo iyo cilmi baaris lagu sameeyey, waxaa lagu ogaaday in Timirta laga helo faaiido iyo wax-tar iyo dheef badan oo aan la koobi-karin .. Waxaa la oran jiray Timirtu waxay daawo u tahay wax kasta waana cuntadi Rasuulku SCW ugu jeclaa 

Waxaa la wariyey in Nabiga mararka qaarkood loo keeni jiray Timirta ugu horaysa ee markaa bislaata xilliga gurashada .. Timirtuna waxay ahayd miraha ugu mudan ee khudrad ahaan dadka Madiina ay isticmaalaan, waxaanay ahaayeen qaar farxad iyo rayn-rayn muujiya xiliga miraha timirtu u bislaato gurasho. Markaas ayay nebiga u keeni jireen. dabadeed Markuu wax ka qaato ayuu oran jiray ducadan: 

Allahayow noo barakee mirahayaga oo barako-gali kuwa magaaladayada .. Allahayow noo barakee mid yar iyo badanba .. Allahayow Ibraahim waxuu ahaa adoonkaagii, saaxiibkaa iyo nabigaagii .. Aniguna waxaan ahay adoonkaagii iyo nabigaagii ..Waxuu kuugu tukaday Makka aniguna waxaan kuugu tukanayaa Madiina si la mid ah sida uu kuugu tukaday Makkah iyo laban-laabkeed .. Markaas ayuu u yeeri jiray ilmaha ugu yare ee goobta jooga oo Timirtii uu gacanta ku hayay siin jiray.