Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Afwerkiga Biirka Mogdisha Ku Cantuugi Jiray Oo Tol La Noqday Abiy Axmed .. Ciidamada Eritrea Oo Ku Soo Biiray Dagaalka Lagu Qaaday Tigrayga

Tuesday - November 10, 2020



Hogaamiyaha gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay ciidamo tira badan ka soo gudbisay xuduudda kuwaasi oo weerar ku qaaday ciidamo deegaan oo halkaas dhufeysyo uga jiray, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya gobolkiisa iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

“Tan iyo shalay ciidamada hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki waxay kasoo gudbeen xuduudda dalka, waxayna qabsadeen dhulkeeena,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael isagoo warkiisi si raacyey oo yiri “Waxay naga soo weerarayaan dhanka Humera ayaga oo adeegsanaya hub culus,” hase yeeshee hogaamiyaahaas sooma bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya in ciidamada Eritrea ay dagaalka soo galeen.

Dhinaca kale dowladda Eritrea ayaa beenisay inay ciidankeeda ku soo biireen dagaalka, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda federaalka Ethiopia, waxay kalo Ereteryada sheegeen in dagaalka u yahay mid gudaha dalkaas itoobiya oo usan khuseyn Eretrea

Isla Markaa, ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadallo nabadeed iyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka . Guddoomiyaha ururka Moussa Faki Mahamat waxa uu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ilaaliyaan xuququda aadanaha, islamarkaana xaqiijiyaan bad-baadada shacabka.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aan la joojin doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka xsibiga xukuma gobolka Tigray-ga ee TPLF.