Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Shabeel Dabada Lama Qabsado Haddi Aad Qabsatana Lama Sii Daayo .. Qabweynidi Qar Is Ka Tuurka Tigreega Ee Oran Jiray Meel Libaax Taagn-yahay Weer Ma Soo Maro Oo Cagta Cagta Loo Saaray

Wednesday - November 11, 2020



Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor Teodoros oo sannadkii 1863-kii isagu is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889 .. Geeridii Yohannes waxa ay soo afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor Mililik oo Axmaaro ahaa .. Qoomiyada Axmaarada ayaa ku maahmaahda” Shabeel dabada lama qabsado, haddii aad qabsatana lama sii daayo,waayo wuu kugu soo Jeesanayaa oo wuu ku cuni”.

Tabtaasi oo kale ayey Tigreegu shabeelkii shalay ay dirawalka ka ahaayeen dabada qabsadeen oo ay sii daayeen, waanu ku soo jeestay oo iyagii ayuu cunayaa .. 28-kii sanno ee ay xukunka hayeen qoomiyada Tigreey waxa ay beerteen colaad dhan kasta ah .. Qoomiyada Axmaarada waxa ay ka qabsadeen 7 magaallo oo ay hore lahaayeen, kuna beereen dad reer Tigree ah, sidoo kale waxa ay col daahood go’ay ay yihiin dawladda Erateriya oo dhammaaan maamulka haatan ugu awoodda badan maamulka Tigree waxa ay ahaayeen raggii hor-kacayey colaadii dhexmartay Itoobiya iyo Erateriya.

Xuduuda ugu ballaaran waxa ay maamulka Tigree la wadaagaan dalka Erateriya iyo qoomiyada uu xafiiltan weyni ka dhexeeyo ee Axmaarada .. Cafarta oo dhinaca bari xuduud kala leh Tigree, waxa ay ka tirsanayaan colaad iyo inay siday doonaan ka yeeleen markii ay xukunka haysteen. Talladaba kumay darsan in mar uun uu gacantooda ka bixi-doono xukunku oo jaarkoodan ay colaadsadeen iyaga maamuli doono .. Dawlada Erateriya waxa ay qaadaysaa beydkii gabaygii Cali Dhuux uu ku durayey Sayidku markuu jabay ee ahaa” waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jiraye, bal dayaayey wadaadkii waa sii dabayshadaye”.

Warbaahinta Erateriya oo dhinacooda ka faa’iidaysanaya duullaanka lagu hayo madax ay col yihiin ayaa ku warrmaysa sidan” 04 Nov 2020 – (EP) Thousands of fleeing TPLF soldiers from Humera, Gondar region in Ethiopia have crossed the border and surrendered to Eritrean Army, a source tells Eritrean Press”. Tigreegu waa bulsho qab weyn oo caan ku ah dagaal ku faanka, madaxweynaha deegaanka Tigree Debretsion Gebremichael,  sidoo kalena ah guddoomiyaha jabhada TPLF ayaa isaga oo la hadlaya Raysal wasaaraha Itoobiya yiri” Tigree waa xabaalaha lagu aaso kuwa aamisan nidaamka keligi-talisnimada, Adwa halkan ayey ku taalaa, dhergigiina waad la socotaan casharkii aanu u dhignay”.

Hadalka madaxweynaha Tigree wuxuu ku hadlay luuqada faanka iyo kibirka dagaalku faanka lagu yaqaanno bulshada Tigree, wuxuu-se hilmaansan yahay in xaaladihii dagaal ee Adwa War ee Faashiitihii Talyaaniga lagu jebiyey iyo kii ay jabhadaha is-bahaysinaya ee TPLF iyo EPLF ay afka ciidda ugu dareen taliskii Mingistu ay kala marxalado yihiin wakhtigan. 

Madaxda Axmaaradu waa niman wax bartay oo sida Tigreega bannaan ismay dhigin, inay toos uga horyimaadaan dawladda Abiya, balse way dhexgaleen oo iyagii ayaa toos uga dhex hadlaya sida muuqata. Kibirkii Tigreegu markii ay xukunka hayeen waa kuwii konton kun oo askari oo Itoobiyaan ah u soo diray dawladdii Cabdilaahi Yuusuf iyo Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi, ee taangigii Tigreegu uu dhex qaaday magaalooyiinka Soomaaliya. Kamay leexan waddadii ay hore u mareen nidaamkii ay maamulladii Axmaaradu ula dhaqmi jireen Soomaalida.