Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Markii Fooda La Is Daray Fadarooday Nabadi Itoobiya .. Waa Kuwe Qabaaiilka Somaaliyeed Ee Reer Jabarti Oo Ka Qaxday Dhulka Tigreyga

Thursday - November 12, 2020


Dhulka ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Umhaajir, Xumayra, Suuwak, Tasaney iyo Cali-qadiiri oo ah dhul beereed ay dhex maraan Togagga Wad-shariifi, Wad-Muzamil iyo Wad-Cadbara oo ah kuwo isaga tallaaba Dalalka Sudan, Eritrea iyo itoobiya, waxaana daggan dad Soomaaliyeed oo isugu jira Beeraley iyo Xoolo dhaqato (Lo'ley) .. Bulshadaas halkaas degta oo la leeyahay waa ka qaxeen asalkooda waa qabaaiilo Somali oo halkaa yimid xiliyo kala duwan.

1- Qaybo ka mida qabiiladaas waxay la socdeen Ciidamadii ingiriiska ee guumaysan jiray Sudan iyo Masar, waxayna u badannaayeen Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee Reer Sheekh isxaaq (Cida-gale iyo Sacad muuse), Gadabuursi, warsangali, dhulbahante iyo Gabooye.

2. Qaybo kale waxay la socdeen Ciidamadii Daraawiishta Mahdiga ee la dagaalami jiray Ciidanka ingiriiska waxayna u badnaayeen Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee Dhul-bahante (Jilibaha Qayaad, Hayaag iyo Tuuryar), Ogaadeen (Jilibyo reer Cabdille, Bah-gari iyo Fiqi-cigaal), Hawiye (Sacad), Shiiqaal. Mareexaan iyo asharaaf

3. Qaybta Sadexaad waxay la socotay Ciidamadii Talyaanigi sanadki 1896 ee lagu jabiyey magaalada Adwa oo ah dhulka Tigreyga, waxayna u badnaayeen Jilbo badan oo soomaaliyeed waxaana ugu badnaa Abgaal, Habar-gidir, Majeerteen, Tanade/Lelkase iyo Ajuuraan, intaaso dhan Qabiil ahaan waxay hoos tagaan Qabiil ka mid ah kuwa aaggaas daga oo la yiraahdo Reer Jabarti, Assal-koodana la sheego inay Soomaali ahaayeen ka soo jeeda Farac Al-Tanadi oo ku abtirsada Cabdiraxmaan Bin Ismaciil Al-Jabarti .. Luqada ay ku hadlaan qabaailkaas waxaa la yiraahda Tigirinya .. Tix raac buuga " Islam in Ethiopia" oo u qoray Al- Maqrisi oo yaala maktabada Dimashaq Ee Qaranka