Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

ILaahow Baryadayada Noo Yeel Aan Ku Bandhignay Si Kheyr Iyo Wanaag Aan Ugu Soo Dabaallno .. Ka Faaiideyso Xikmadi Iyo Oraahdi Shiikh Shacraawi

Friday - November 13, 2020




Taariikhdu Waa Marag .. Fadiilat Al-Digtoor Imaam Shiikh Shacraawi Allaha U Naxariisto, Wuxuu ahaa Caalim Waano iyo Wacdi wixii Alla baray Umadda ka haqbtira .. Wuxuu ahaa Daacigi ugu haystay Tafsiirka Qur'aanka Karimka casrigaan la Joogo .. Shiikhu kaalin libaax buu ka qaatay faafinta diinta islaamka wuxuuna caqligiisa iyo cilmigiisa iyo maalkiisaba isugu geeyay faafinta iyo sharaxaada diinta islaamka ..  Shiikhu inta ardadiisu joogto ma dhiman oo duruustiisi xikmadaha iyo wacdigiisi baa shaqeyneysa .. waxaan halkaan idin ku soo koobaya xikmado aan ka xigtay oo dhaxal gal ah:

1- Aduunyada Wax iska dhaca ma jiraan,wax walba qoondeyn iyo qorshe ayay ku dhacaan.

2- Alle “SWT” Wuxuu kugu karaameye caqligaaga ee ha isku liidin adigu ficil-kaaga.

3- Hadii aadan awoodin hadal xaqa, ha u sacab tumin baadilka ( xumaanta iyo gardarada)

4- Afkaaaga waxa u adeeegsata dhoola-cadeenta, si Aad dhibaatada u soo afmeerto iyo Aamusnaan si Aad dhibaatada ugu gudubto.

5- Qofka salaada kugu taliya, waa kan dadka kugu jecel.

6- Kan raadiya lamaaane wax walba boqolkiiba boqol, doobnimo ayuu ku noolada.

7- Ruuxna xukmin maayo boqortooyada Alle, illa Eebe doonistiisa mooye

8- Murugada iyo Niyad-xumadu waxa ay maankeena u qabsanayaan, hadba sida uu boorka u qabsado kutubta.

9- Rabbigaaga talo saaaro asaga wax walba kaaga filaneee.

10- Haddii Aadan Helin Ruux Laabta Xumaan iyo Xiqdi Kugu Haya, Ogoow inaad Tahay Ruux Fashilmay.

12- Ha u Caabudin Eebe inuu wax ku siiyo, ee u Caabud inuu kaa Raali noqdo, Haddii uu kaa Raali noqdana waxaad si durdur ah u heleysaa Siismadiisa.

13- Haddii Aad ku aragtid Ruux faqiir ah wadamada muslimiinta dhexdooda, Ogoow in mid hantiile ah Uu xaday ninkaa maalkiisa.

14- Ma wal-walo Ruuxa leh Aabe, sidee buu u wal-wali Ruuxa leh Rabbi.

15- Ha ka wal-walin waxyaabaha ay basharka kuu maleegayaan, haddii ay fogaadaan waxay fulinayaan Amarka Eebe.

16- Dulmi-falahu qof qura xaqiisa qaadan maayo, balse mid kasta oo awood leh ayuu tusaaya in masaakinta la dhici karo.

17- Afkaaaga waxa u adeeegsata dhoola-cadeenta, si Aad dhibaatada uusoo afmeerto iyo Aamusnaan si Aad dhibaatada ugu gudubto.

20-Marka hab-socodka nolosha iyo aragtidaadu is yeeshan, baraaruhuna wuu ku dhashaa.

                      Walaahu Weliyo Tawfiiq