Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Dadka Yuhuuda Iyo Diintooda Taariikh Ahaan Waxa Ay Ka Mid Yihiin Kuwa Dunida Ugu Fac Weyn

Saturday - November 14, 2020


Waxaa la sheegay Dadka Yuhuuda in ay ka mid yihiin ummado badan oo dhalad ku ah gobolka Bariga Dhexe .. Jiritaan-koodii hore waxay xilliyo kala dambeeyay iyo duruufo kala jaad ah degmaysteen dhulalka Masar ilaa Ciraaq, Shaam ilaa Xijaas iyo inta u dhexaysa .. Iyaga iyo afkooduba wax ay ku abtirsadaan quruun loo yaqaannay Kancaan .. Yuhuudda raadkooda kowaad Qolo ahaan iyo Diin ahaan waxaa laga soo raaci-karaa shakhsiyadda Nebi Ibraahin, kaas oo aan raad taariikheed oo cad laga hayn laakiin aad ugu xusan dhammaan diimaha isaga ka soo bilowday iyo dadyowga isaga ku abtirsada oo la is ku yiraahdo Ibraahiimi ama Saamiyiin. 

Marka raadadka diimaha dib loo raaco nabi ibraahim waxuu ahaa qoomkaa reer Kancaan, wax uuna ku dhashay dhulka Ciraaq maanta loo yaqaan. Ka dib Webiga ayuu Galbeed uga soo gudbay ilaa Shaam. Dhulkaa cusub buuna diintiisa ku hirgeliyay kuna tarmay oo ubad aad u badan ku dhalay.

Ragga badan ee uu dhalay waxaa ka mid ahaa Isxaaq oo Yuhuuddu ku abtirsato iyo Ismaaciil oo Carabtu ku abtirsato. Carabta oo Islaamka cuskanaysa iyo Yuhuudda oo kitaabkeeda kaashanaysaa maanta waxay is ku haystaan labadooda awow ee Isxaaq iyo Ismaaciil kii fadli badnaa ee Ibraahin ku riyooday in uu Alle u sadqeeyo. Waqtigaa waxaa lagu qiyaasayaa in laga joogo 5000 oo sano.

Haddaba Nabi Isxaaq wiilasha uu dhalay waxaa ka mid ahaa Nabi Yacquub oo sida ay qabaan Ilaahay u doortay magaca Israa'iil oo macnaheedu yahay "Dagaal-yahankii Alle", waxayna nabigaas ku dul ururiyeen khuraafaad wada yaab badan .. Nabi Yacquub waxa uu dhalay 12 wiil oo noqday laba iyo toban qabiilo. Haddaba Yuhuudda iyo diintooda markii kowaad waxaa lagu xusay ilbax-nimadii Masar muddo iminka laga joogo 3300 oo sano. Markaa intii ka dambaysay ilaa qarnigii saddexaad Ciise hortii dadkani taariikhda waa ay ku soo noqnoqdeen.

Markii uu u soo baxay Nebi Muuse CS wax uu u keenay kitaabka Towraad oo ay ku qoran tahay shareecada ama xeerarka ay ilaa imika haystaan .. Erayga Towraad oo Af Giriig ah macnaheedu waa tacliin ama barasho. Xeerarkaa waxaa ugu muhiimsan qodobbada loo yaqaan 10 Dardaaran ama ballamood oo ay ilaa maanta diintoodu ku salaysan tahay .. Tobankaa ballamood oo ay rumaysan yihiin in iyaga Ilaahay la galay oo Muuse ugu soo dhiibay wax ay kala yihiin:

1. Aniga ilaah-nimadayda ilaah kale ha ka hor marin .. 2 - Ha samaysan sanam oo ha caabudin 
3- Magaca Alle been ha ugu dhaaran .. 4- Alle xus maalinta Sabtida oo weynee
5- Maamuus aabbahaa iyo hooyadaa .. 6 - Cid ha dilin .. 7- Ha sinaysan .. 8- Wax ha xadin.
9- Marag beenaad ha furin .. 10- Sina iyo marnaba ha damcin ninka kale reerkiisa/gurigiisa/waxiisa.

Waxaa kale oo kitaabkaa ku jira ballanqaadka ah in ay ku noqdaan dhulka Israa'iil oo ay halkaa ku midoobaan. Waayadii dambe Towraadda Muuse ka sokow wax ay diimaysteen sheekooyin ka hadlaya Taariikhdooda, Nebiyadoodii, Halyeeyadoodii iyo Qasiidooyin wax walba isugu jira, waxaas oo ay afka isaga tabin jireen laakiin aan kitaab ahayn. Kuwaas bay qarniyo dambe qoreen oo diintooda ka mid noqday sida labada qaybood ee Talmuudka iyo Mishnaah. Waxay kale oo aad u tafsiireen Towraaddii. Kutubtaasi seben-walba oo ay halaagsamaan waa ay la halaagsami jirtay, laakiin dib bay haddana ka qori jireen, waayo mar walba waxaa jiray wadaaddo u qaybsan taa aqoonteeda.

Caqiido ahaan wax ay rumaysan yihiin in iyaga Alle dadyowga kale oo dhan ka doortay oo u xilsaaray ilaalinta diintiisa. Mana aha diin ay dadka ugu yeeraan waayo iyaga oo qura ayaa xilkeeda leh, iyaga dartood bayna dadka kale ficilladooda wanaagsan khayr kaga helayaan.

Is ka daa in ay diintooda cid ugu yeeraan waxaaba ka dhaadhacsan xaqnimada diintiinna waxaa daliil u ah in mar walba dadyowga kale idinka tiro badan yihiin. Towraadda waxaa ugu qoran Aayad oranaysa: "Sababta Alle dadyowga kale oo dhan idiinka doortay ma aha in aad ka badan tihiin, waxuu-se Alle idiin ku xirmay oo idiin doortay in aad dadyowga kale oo dhan ka tiro yar tihiin) - Sifirka Tathniya 7,7.

Ciise ka dib qodobbada mihiimka ah in la ogaadaa wax ay yihiin: Yuhuuddu maanta wax ay u qaybsan yihiin in Ciise u aragta nin sheegtay nebinnimo been ah (Masaaya been ah) iyo in yar oo u aragta in uu ahaa nin akhlaaq wanaagsan oo dadkiisa u damqaday oo doonayay in uu wax wanaajiyo. 
Taa beddelkeeda Masiixigu wax ay rumaysan yihiin in uu ahaa Masaaya oo run ah. Waan halka ay iyaga iyo Masiixigu ku kala bayreen. Laakiin Masiixigu waa ay rumaysan yihiin diintii Yuhuudda oo Babaylkooda ayay ka mid tahay, tii Ciise ayay-se gadaal ka raaciyeen.

Sannadkii 70 dhalashadii Ciise Yuhuudda iyo dawladdii Rooma waxaa ka dhex dhacay dagaal xun oo dadka Yuhuudda lagu jabiyay, Heykal-koodiina lagu dumiyay. Halkaasna ay dawladdoodii iyo gobani-madoodii ku dhammaatay. Iyagiina wax ay noqdeen dad dunida dacalladeeda ku ka la firdhay oo meel walba ku gumaysan .. Sannadkii 1947 ayay markii kowaad 2000 oo sano ka dib dhisteen dawlad ay u bixiyeen Israa'iil oo ah magacii awowgood Yacquub, laakiin weli ma ay dhisin Heykalkii, waayo halkii ay ka dhisi lahaayeen Falastiinta baa haysata.

Diinta Yuhuudda lama galo ee waa loo dhashaa, waqtigan casriga ahna qofka doona in uu galaa waxa uu marayaa socdaal dheer oo ay adag tahay in uu ku gaaro .. Aakhiro ma rumaysna, waxayse qabaan in kolka Masaaya soo baxo ayay nafihii wanaagsanaa oo dhami soo noolaanayaan dabadeed dunida dadku ku wada noolaanayaan nabad iyo barwaaqo abidi ah oo aan laga dhimanayn.