Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xaalada Itoobiya Oo Farha Ka Sii Baxeysa Qarkana U Saaran Burbur .. Abiy Axmed Oo Dagaalki Tigreyga Ku Hafanaaya

Monday - November 16, 2020

Tusbax Go'ay Sidiisi La Mood .. Itoobiya wax aan la garaneyn baa ka sharqamay oo odorska waxay u muuqataa inay qarka u saaran tahay dagaal sokeeye .. Dagaalka u dhexeeya xoogagga daacadda u ah dolwadda dhexe ee uu hoggaamiya Abiy Axmed iyo Jabhadda OLF ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof, dalkana qarka u saaray inuu burburo .. Abiy Axmed waxaa muuqata iney u socon-weyday ku tala-galkiisi oo been iyo khiyaali ayuu isku maaweelinaya

Dowladda Addis Ababa iyo TPLF ayaa midba midka kale ku eedeynaya inu colaada billabay .. Abiy Axmed wuxuu ku dooday in TPLF ay laayeen askar dowladda ka tirsan isla markaana ay khadka cas ka tillaabsatay markii ay doorashooyin gobolka Tigray ka qabatay bishii September.

Dhinaca kale madaxda TPLF ayaa ku doodaya in Dalkan u ku dhaqmo nidaam federaal ah oo qowmiyadaha ay ka taliyaan gobolladooda, waxaana nidaamkaasi la meel-mariyay sanadkii 1994 markii EPRDF ay xukunka la wareegtay, hasa yeeshe Abiy Axmed ayaa doonaya inuu nidaamkaasi meesha ka saara sido kale Tigretga waxay ku doodayaan in Nidaamka federalka u ogolaanaayo in gobollada ay goosan karaan. 

Waxay tilmaameen in TPLF aysan dalbanin inay gooni u go’aan, balse shaki kuma jira in dagaalada hadda socda ay waddadaasi u horseedi-doonaan .. Mr Abiy dagaalkan uu iclaamayay wuxuu ku sheegay in ujeedadiisu tahay n maamulka Tigray la hoos keeno dowladda dhexe.

Khubarada ku xeel dheer arimaha itoobiya ayaa Xaaladda Itoobiya ku tilmaamay mid faraha ka sii baxaysaa maalinba maalinta ka sii dambeysa oo Kumanaan qof ayaa laga yaabaa inay ku dhimato, horsedana inay Itoobiya buburto.