Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 28 November 2020

Halkii Qorigu Kaa Muday Yaanay Mar Labaad Lug-taadiyo Cagta Yaanay Kula Marin .. Hogaamiye Abiy Axmed Oo Sarajooga Ku Riyooday Is Dhex-galka Shucuubta Geeska Afrika

Tuesday - November 17, 2020


Seddex bilood ka dib bishii April, sannadkii 2018-kii, oo ku beegnayd markii loo caleemo-saaray Abiy inuu noqdo Ra'isal wasaaraha Ethiopia, wuxuu bilaabay dhaq-dhaqaaq dhawr jeer ah oo u kula xariiraayo Madaxweyne Maxamed Farmaajo kaaso u kaga dalbanaayey in Somaliya, itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Eretereya ay sameyaan wax u ku magacaabay " Is Dhex-galka dawladaha geeska afrika" laakiin sida ay tabiyeen khubarada geeska afrika ee ka faaloota siyaasada geeska Afrika waxay arintaa ku tilmaameen mid aan caqligu qaadan-karin.

Sida ay khubaradaas sheegeen dawladahaas inay is dhex galaan waxaa hor taagan caqabado salka ku haya Diin, Dhaqan iyo afkaar siyasadeed oo kala fog .. waxaa in badan laga hadlaa dhibaatada qomiyadeed ee dalka uu Ra'isal wasaaraha ka yahay dul hoganaysa iyo siduu doonayo inuu isu dhex galiyo shucuubta dalalkaas oo kala duruufa ah.

Waxaa la is weydiinaya "midkee horaysa in la isku furo isku socodka Tigrey, Oromo iyo Amhara iyo in la isku furo dhaqaalaha Ethiopia iyo Somaliya .. Tallaabo kast Abiy Axmed qaaday intuu xilka hayay, waxay ku sababtay Ethiopia burbur dhaqaale, qoomiyadeed, iyo siyasadeed .. ka hor intaan xilka uuna qaban Abiy Axmed, Hal-ka Dollarka maraykanka ah, waxaa lagu sarifaayay 27 Birr oo ah lacagta Ethiopia, maantana wuxuu maraya Hal-ki dollar 45 Birr oo lacagta Ethiopia .. 70% dadka Ethiopia noloshoodu marka horaba waxay u dhexaysay Dab iyo Digsi, waana dad sabool ah, waxaa saameeyay sicir barar, waxaa qaaliyoobay qiimahii maceeshadda.

Intuu xilka hayay Abiy waxaa ku dhintay kumanaan qof rabshado ay iskaga hor yimaadeen qoomiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia, waxaa xabsiga la dhigay boqolaal qof oo iskugu jira siyaasiyiin iyo suxufiyiin .. Hadda, wuxuu bilaabay Ra'isal wasaare Abiy dagaal uu ogyahay inaanu ku guulaysanayn.

TPLF, oo ahayd jabhaddii sannadkii 1991 kii xukunka ka tuurtay keligii taliyahii Mengistu Hailemariam, isla markaana muddo 23 sanno ah xukunka dalka Ethiopia gacanta ku hayay oo haysta hubka dalka Ethiopia 40%, ayuu ku dhawaaqay Abiy dagaal ka dhan ah.

Ciidamadda Tigreega waxaa tiradooda lagu qiyaasa inta u dhexaysa, 30 ilaa 40 kun oo askari, oo si heer sare ah u tababaran iyo 150 kun oo askari, oo iskugu jira jabhado iyo qaar tababaro ku jira, waxay gacanta ku hayan hubkii iyo saanaddii saldhiga ugu weyn ee dalka Ethiopia lahaa, oo ah Aagga waqooyi, hubka gacanta ugu  jira waxaa ka mid ah taangiyada T-62, T-52, T-54, sawaariikhda lidka diyaaradaha ridada gaaban ee  LY-60 / FD-60 / PL10, waxaa sidoo kale gacanta ugu jira kimikada wax gumaada oo wershadahii ciidamadu lahaayeen oo lagu samaynaayay qaarkood gobolka Tigreega ku yaalleen.

Marka laga yimaado hubka iyo saanadda ay TPLF leedahay, waxay sidoo kale yaqaanan dagaalka buuraha, oo ahaa kii ay kaga adkaadeen ciidamaddii dhargiga ee Mengistu Hailemariam, waxay leeyahiin tababar iyo adkaysi ay ku dhuuman karaan buuraha Tigreega ee loo yaqaano Nahiso Terara, oo ay dagaalo qarsoodi ah ka soo qaadi karaan, waaba haddii laga qabsado magaalooyinka waaweyn.

Abiy Axmed, wuxuu bilabay dagaal aan dhamaad lahayn, oo Ethiopia dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba riiqi doona, suurtagalna ay tahay inuu Ethiopia kala jabiyo.

Dhawrkii usbuuc ee la soo dhaafay, wuxuu Dr. Abiy Axmed, ka soo saaray Ethiopia xaaskiisa iyo caruurtiisa, oo uu dejiyay duleedka magaalada Washington Dc ee caasimadda dalka maraykanka, xilli uu bilabay dagaal aan dhamaad lahayn.