Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Farmaajo Oo Qaaday Jid Ku Soo Xirmi-doona Waase Lala Gurinaaya .. Is-Bahysiga Mucaaradka Oo Ka Baxay Jawigi Aamus-naanta Kuna Baaqay: Xumaha Taabsiya Oo Iminka Ciirsigu Waa Qori

Friday - November 20, 2020


Geyiga Somalia oo muddo dheer la daalaa dhacaysay Dagaalo aad u Naafeeyey Shacabka ku dhaqan Somalia .. Xaaladu sidi hore ma aha oo waxaa aan daah saarneyn ee maantana muuqda iney somaliya mareyso xaalad adag iyo halki ugu xumeyd, taaso Maamulka u horkacayo Maxamed Farmaajo in uu Bulshadaa ku Jiheeyey Muran meel-marinta Doorasho af-duuban oo Horseedi kara Halis Cusub oo Naafeysa Dadka Somaliyeed .. Maxamed Farmajo oo aan miriqsaneyn ku caan baxay sida loo abuuro midab beenaadka biyaha u eeg dhalanteedka iyo xeelad farsamo isagoo dan gaara ka leh, wuxuu ku qanciyey naftiisa in wuxuu doono u ka sameyn-karo doorashada sidaa daraadeed oo waa kan wada ku dayasho indha La' oo u ka soo miinguuriyey qaabki u Axmed Abiy kursiga dib ugu soo laabtay, taasna waxay horseedi-karta in Farmaajo u qaado jid ku soo xirmi-doona oo aan meelna u wadin iyadoo Aakhrki qaabki xumaa ee uu isku qafilay jar kala booda .. Shiikhu isago si afar qaadaya, wuxuu miciin moodaya in uu isku xeero kuwa aan muraal lahayen oo wax walba u fuliya, isla markaana boholo kula dhaadhaca xuquuqda Musharaxiinta kale ee doorashada u taagan, balse xaajado waxay tahay Guddiyow Wanka Macasha ii qabo adigu gawrac ii mari dhiigana aan muudsado.

Ruux haddi uu Seexdo oo uu soo tooso waa kii uun .. Madxweyne Farmaajo, isagoo iska indha tiraaya waxkasta oo doorashadaas si xalaal ah ugu dhacdo, wuxuu meel kasta ku fariisiyey gudiyo isaga si gaara ugu adeegaya oo niba goobta lagu beego buu si musuq-maasuq ku adkeynaya

Dhamaan Bulshada Somali oo wararkooda meelo badan aan ka helay iyo gaar ahaan magalada mogdisho oo mucaaradka ku kulmeen waxay ku gacan seyreen sida loo maamulaayo doorashada ee baal marsan sharcigi, dustuurki iyo heshiisyadi dhawaanta lala galay maamul gobleedyada, oo uu nin kaliya sidu doono ugu takri-falaayo, sidaa daraadeed waxay ku baaqeen inaan la sii eegan-karin xaqdarada xadka dhaaftay, waxayna ku baaqeen in toos looga dareero, lana tuso taagtiisa isaga baa cirka roob ku oge  

Dhinaca kale, waxaa muuqata in Dalka somaliya ay maanta ku Hirdamayaan Quwado shisheeye oo doonaya in ay khasab ku soo saaraan Cida ay u arkaan in ay fulinayaan Danaha ay ka leeyihiin Somalia, Arrintaasi oo keentay in la isu bareero oo daaqada laga tuuro heshiisyadii hore loo gaaray, Taasi oo keeni karta in xoog la isku muquuniyo, arritaasi oo Halis Nabad galyo dhalin karta.

Tan kale, waxaa Muuqata in kuwii sheeganayey in ay ka soo Jeedaan Somaliland ee uu ku adeeganayey Fahad iyo Farmaajo si loo dibindaabyeeyo geedi socodka doorashad. Waxaa muuqata in qiimahoodi noqday in la soo taago Saylad lagu kala Iibsado sidii adoomaha, si looga Helo Cod maadaama ay yihiin dad aan cidna matalin oo wax lex jeclo ah ama wadaniyad ah aanay ka hayn. Hase ahaatee codkoodu Iib yahay, waana arrimaha Dabka ku sii shiday khataraha iyo Xasiloonida ka soo fool leh Maamulka Somalia .. Sidaa awgeed waxaa la soo jeedinaya in kooxdaan sheegta in ay ka soo Jeedaan Somaliland ee Tuban Saylada Doorashada Farmajo in ay ka fakaraan sidii ay ku badbaadi lahaayeen intaan waqtigu ka dhicin ama aanay Halis Mudan