Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dhacdo Run Ah .. Wiil Somali Reer New York Ah Oo Badbaadiyey Wiil Yar Ey Cuni-lahaa Laakiin Maxaa Dhacay ?

Monday - November 23, 2020


Maalin Maalmaha ka mida iyo iyo qiyaasti sanadkii 1970-71-ki ayaa Wiil Reer Galdogob waagisi hore geel soo aroorin jiray sheekadiisu kama fogaan jirin Geel baa ololaaya, marna reemaya, Nirgo ayaa yuusaya iyo koor Geel baa baxeysa, wuxuu waqti-yaadaas ka soo safray degaankaas oo si toosa u yimid magaalada New York oo aad ugu indha daraan-daray, waayo xitaa sooma marin Mogdisho maalmo yar u joogay mooye, dabadeed isagoo maalintaas tamashleynaya, waxa u soo maray Beer shimbiruhu ka bulxamayaan oo sawaxn-kooda isu baxayaan, qaarkood isu yeer-yeeraya isu heesaya amase isu ajiibaya, oo inta u dhirta dhex socday waxaa maskaxdiisa ku soo dhaceysay tiradeeda inta ay ahaan-karto .. Beertaas oo ku taal xaafad ka mida New York bulshada ayaa dalxiis ahaan ugu raaxeysata .

Wiilka oo ahaa da' Labaatan-jirseday sida Jajuurka u ad-adag durbaba waxuu maqlay dhawaaq kuray iyo Ey Ciyaya, dabadeed haddu dhinaciisa egayba wuxuu arkay ilma Yar oo Ey weyn sidi cinjirka uu jiid-jiidanayo rabana in uu cuno .. Wiilki Reer Galdogob si dagdag ah ayuu ugu gurmaday ilmihii Yaraa waanu la dagaalamay Ey-gii miciyaha gaamuray lahaa ilaa uu ceejo ku dilay, dabadeed inkasto dhaawac soo gaaray waxuu halkaas ku badbaadiyay ilmihii Yaraa ee waalidkii kaga tagay beerta lagu raaxaysto .. Run ahaanti Wiilku inkasto u khatar cagaha ku doontay, hasa ahaate wuxuu ka duulaayey dhaqanka u xambaarsanaa ee u kala yimid degaanki u ka soo socdaalay ee ahayed In Ruxiyada iyo dhaqan ahaanba waa in la isu arxamo oo la is caawiyo iyo in la sinaado iyo taa badalkeeda in aan la is dulmin ayey Diin waliba ku baaqday.

Markii uu Geel jirihi Reer Galdogob badbaadiyay ilmihii yaraa kana soo jeestay ayaa waxa meel aan ka fogayn kala socday dhacdadan naxdinta leh iyo sida ay wax u dhaceen Askari boolis ah oo ka tirsan booliska magaalada New York.

Askarigii booliska ahaa ayaa u mahad celiyay Wiilki hawsha weyn ee uu qabtay, waxuuse u sheegay Wiilki in hawshan weyn ee uu qabtay darteed lagu soo qori doono bogaga hore ee wargeysyada New York, Lakiin arinka xiisaha badni waxa uu ahaa dooda dhex martay askariga iyo Wiilki ilmaha yar badbaadiyay oo ku saabsanayd ciwaanka laga dhigi-doono kaas oo askarigu ku sheegay in loo qori doono sidatan "Nin Geesi ah oo reer New York ah oo badbaadiyay ilmo yar ka dib markii uu weeraray Ey Halis ahi’’ ..  Wiilki Reer Galdogob ka yimi waxuu ugu jawaabay: lakiin anigu ma ihi reer New York .. Ninkii askariga ahaa ayaa yiri hadba ciwaanka waxaan ka dhigi-doonaa “Nin Maraykana oo Geesi ah ayaa badbaadiyay ilmo yar ka dib markii uu weeraray Ey Halis ahi’’ Wiilki Reer Galdogob ayaa haddna u sheegay askarigii in aanuu ahayn Maraykan .. Askarigii oo yaaban oo wiilki wuxuu marsiiyo waayey ayaa waydiiyay oo yiri oo maxaad ahayd? Waxa uu ugu jawaabay waxaan ahay nin Islam ah Somalina ah .. Ninkii askariga ahaa oo sida muuqata aan jecleysan magaca islaamka, ujeedkiisu ahaa inu wiilka cagaha dhulka ugu dhufto su u cararo ayaa yiri: Hadaba waxaan cinwaanka loo badali doonaa sidatan: "Nin Somali xag jir waalan ah ayaa Ey aan waxba galabsan ku dilay magaalada New York’’

Wiilki Reer Galdogob isagoo aad u niyad wacan oo ku faraxsan wanaaga aadka u weyn u sameeyey awgeed ayuu goobti isaga tagay .. Isku soo wada duub sheekada in umad ahaan lagu faano diintaada aad haysto waa laga maarmaan, oo aad adigu sharaf u yeesho 

Allow inta sharafta islaamka Jecel Qabriga u nuuri oo u waasici ugana beer beer ka mid ah kuwa fardoosta sare .. Allow caafimaad, cimri dheer oo barakeysan, khaatumo wacan iyo toobad ka horeysa geeridayada Allow nagu manayso .. Allow dalka noo barakee .. Allow nabadda noo xooji .. Allow Islaamka u gargaar .. Meesha colaadi ka jirto, nabad ku dabaal, inta abaari heyso ka dul dulqaad .. Allow cadowgaaga iyo kaayaga sharkooda naga moos .. Allow diinta nagu hadee, nagu ilaali noogana dhig tan aanu ku dhaqano, ku tashano isku maamulno .. Allow ha nagu ciqaabin camalka caasiga iyo faasiqa .. Allow noogu naxariis inta quraan ruugga ah, ubadka quraanka subcinaaya, inta maasaajidka laasimta .. Allow adduun san iyo aakhiro san .. Aamiin Aamiin



hits Hits : 2333