Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

100 Guuradii Geeridi Sayid Maxamed Cabdalle Xasan .. Gabaygiisi Dar-Daaran Oo Aad Moodeysay Inu Ahaa Mid Arkaaya Ifa-faalayaasha Dal Iyo Dadba Ku Dhici-doona

Friday - December 25, 2020


Noole waliba waa dhimanayaa oo geeridu waa lama-huraan, waa kii lahaa heesaagii weynaa, aabihii fanka casriga ah ee somalida Cabdilaahi Qarshe :
Nin waa dhintaa
Nina waa dhashaa
Dharaar walba
Lays dhaafayaa.

Inkastoo nooleba dunida ka tegayo hadana waxa jira waxyaabo taariikhda gala oo aan sinaba lagu ilaawi karin oo jiilba jiil u sii gudbiyo, taas oo ah taariikhda ummadu ay leedahay taas oo soo martay gad-gadoonka waayaha .. Qormadan waxy daaran tahay dar-daarankii waaray ee Sayid Maxamed Cabdalle Xasan uu uga tegay duulka soomaliyeed, taas oo noqotay wax ilaa hada laysku wariyo.

21/12/1920-kii waa markii uu geeriyooday Sayid Maxamed Cabdalle Xasan Eebe naxariis gu’ weyn ha siiyee, maanta oo kale waxay maalin murugo badan oo Soomali meel ay joogtayba gumaysi maddow iyo caddaanba leh ay u gacan gashay .. 100 gu’ ayaan ka joognaa markii Sayidku inoo tebiyey gabayadiisii kii ugu dambeeyey oo aad moodaysay inu ahaa mid arkaaya ifafaalayaasha dal iyo dalba ku dhici doona .. Alle ha u naxariisto Sayidka iyo ragiisii sida gardarada ah Soomali u dibin-daabyeysay, gabaygaas oo dhinacyo kala duwan taabanaya ayaa wuxu ahaa sidan:

- Nin darooble aqal daahyo weyn dedab la meegaaray

-Dermiyo furaash lagu gamiyo dooyiyo raaxo

- Anigoo waxaan doonayaba derejo weyn haysta

- Dabaq timi haday caanihii nala dulguuraaya

- Dangaraaradii nagu dhacdiyo diiftii nala taabtay

- Dab wax gubi duyuurado wixii nala dul gawdiiday

- Waagii dilaacaba wixii naga dul guuxaayey

- Inkastoon qaar daadinoo dali ka tuuryeynay

- Dalkii aanu joognaba wixii nagu duqaynaayey

- Waa kii dadki kala didoo doolo loo kacaye

- Duluqsiyo dalkaan kakacay dahab wixii yiiley

- Darabtii banaanayd wixii dadiyo maal jiifay

- Derbiyo wixi daaq la gubay ama bukaan duugmay

- Iyo duni wixii nagaga lumay dararka ceeldheere

- Duurkiyo hawdkii wixii duunyo lagu dhaafay

- Lo’ durduraa wixii nalaga dhacay dalawadii geela

- Ari daad masaalkiya wixii nalaga sii daayey

- Dulmigii qabsaday reerkayga duluglihii gaaray

- Dulihii shareernaa wixii daalna cago gooyey

- Dagdagtiyo orodkii waxaan dib uga jiideeynay

-Nin dooriyo wixii sheikh la dilay culimadii diinka

- Waxay duub cadii ay warnayd bixin duleedkeeda

- Dooxada garoowe wixii haadku dul faqaayey

-Didibtii nugaaleed wixii nalagu dooxaayey

- Dibjiradi iyo qaabatoo waxaan dib uga rooraayey

-Dingiraaradii cidii wixii nala dubaaqeeyey

- Wuxu diracyadaydii kufrigu daabaca u qaaday

- Duqowiyo dhalaanimo waxaan dumar naloo reebin

- Maxaa jabad daboolnayd wixii gaal dukhuulaayey

- Duxuurka iidoor wuxu darayey caarkiisa

- Gabdhahay dilaacsheen wixii dhiig u difiqleeyey

 - Dulka neefle kaasoo agmaroo dulaanka horgayn

- Dubihii ikhwaankii ku dhacay duluglihii gaaray

- Dariiqii rasuulkiyo wixii diinta laga jiitay

- Dabradii quraadiyo waxaa furuq dadkii xaaqay

- Iimay dusheediyo waxay duumo nagu laysay

- Duuflaalka wabigii waxaan doosha ugu foolay

- Daltabyaysigii nagu dhacay duufka na cunsiiyey

- Dacaluuska iyo ciilkii waxaan dibinta ruugaynay

- Duulkii kaneecada waxaan duud ka canrownay

- Dalkaa go’ani waa waxaa nala dubaaqeeyey

- Daandaansigii naga qabsaday wabiga diishiisa

- Durqunkii warleefkii didsaday dib noo joogteedee

- Diihaal wixii uu na baday daaqsi cunistiisa

- Dacmalay caruusa ah waxaan deris xigaal moodnay

- Durufley axmaara waxay nagu dinaahyeysay

- Dubayaal wixii nagu dhacay nalagu daanduushay

- Anagu diidi maynoo marbuu daain noo qoraye

- Ninkii dunida loo daynayaa ha igu diirsado’e

-Inkastoo daleel nala dhigaan docina noo cayman

-Mar hadaan  cid laga daynahayn mawdka dakharkiisa

- Raga haatan soo diganahayow dan iyo xeeshiinee

- Dacwadaasu waa midaan niyada Samir ku deeqsiiyey

- Waa mid damisay cadhadii qalbigu ila dilaacayey

-Dubuub kalena waa eray yaroon diirka ka cadeeyo

- Daarood ismaaciil ma oga dawga loo qodiye

- Waa niman dushooda arkayn dayrka loo dhigaye

- Waa wada damiinaan arkayn dabinka hoos yaale

-Waa niman ilaahay dilayoo doorshayoo rogaye

- Waa nimaan daboloo qalbiga daabac kaga yaale