Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Horaa Loo Yiri Nacab Gacal Ha Ka Dhigan Xidid-na Ha Moodin .. Waa kaas Qor-Qoor Isku Rogay Farmaajo Oo Shuruud Ku Xiray Fulinta Qorshaha Cusub Ee Dawlada Federaalka

Sunday - December 27, 2020




 

26 Bishaan oo ku beegan Sabtidii shalay waxaa lagu balansanaa in xarumaha dowlad goboleedyada dalka ay ka bilaabato diiwaan gelinta musharaxiinta golaha Aqalka Sare oo ku eg 29-ka bishan, sida ku cad jadwalka uu dhawaan soo saaray guddiga lagu muran sanyahay ee doorahada, hasa-yeeshe xog ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug uu ka biya diiday in maamulkiisu uu hadda guda galo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.

Qoor Qoor ayaa maanta gaaray Garoowe, halkaasi oo uu uga qeyb gelayo shir looga hadlayo arrimaha doorashada, kaas oo ay isugu imaanayaan inta badan dhinacyada isku haya doorashada dalka, sida madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka iyo golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in Villa Somalia ay cadaadis ku saartay in uusan ka qeyb gelin shirkaas, taas bedel-keedna uu maamulkiisu dedejiyo doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada Galmudug, laakiin Qoor Qoor ayaa iska diiday dalabka dedejinta ah ee Villa Somalia, waxuuna ku adkeystay in go’aanadiisa uu ku saleyn doono wixii la isku afgarto ee kasoo baxa shirka ka dhici doona Garowe.

Maalmihii dambe madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxayna gaareen heshiisyo ay ka mid ahaayeen inay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashada, taasi oo macnaheedu yahay in haddii uu Qoor Qoor guda galo doorasho uu jebinayo heshiiskaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in la qabto doorashada dalka, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay ka billaaban doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doono madaxda Galmudug iyo HirShabelle, si ay ugu xijiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar, waxaana magaalooyinkaas qaarkood la geyn doonaa ciidan kale oo dheeraad ah.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in maamulka Koonfur Galbeed uu billaabi doono.