Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Boqorki Jean Bedal Bokasa Oo La Sakaraaday Caashaqa Gabar Somaliyeed: Khadijoy Jeeraan Ku Helo Caafimad Dhimaye

Wednesday - December 30, 2020



Jean-Bedel Bokassa oo markaa ahaa taliyaha guud ee ciidamada Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa sanadkii 1966 kufsi-boob kursigi talada dalkaas kula wareegay afgambi milatari .. Jean Bedal Bokasa Sanado badan ayuu gacan bira ku hayey xukunki Dalka Afrikada Dhexe, waxaana magaciisa lagu xariiriya sheekooyin fajac badan iyo gabood falidi ugu xumayed ee ay ku kaceen kali-taliyaashi kharibay Afrika guumesta-yaashi kadib .. Laakiin Bedal Bokasa Markii uu ku qanci waayey xilkii uu isku cumaamaday ee ahaa madaxweynaha dalka ee Abid, ayuu go'aansaday inuu isku caleemo saaro Boqor, oo isu ekeysiiyo Boqorki Faransiiska Napoleon ee qarnigi Sagaal iyo Tobnaad, laakiin mar dambe ayuu lacag malaayiin uga qaatay Sacuudiga inu la baxayo magaca Salaaxu-diin Ayuubi, waxaanu xafladii weynayd ee ka dhacday caasimadda Bangui ee is caleemo saarkiisa ku bixiyey tobanaan milyan oo doolar oo hantida dawladda ah.

Sheekooyinki laga fidiyey Jean Bedal Bokasa, waxaa ka mid ahayed inu hilibka dadka cuni jiray, sido kale dadka afcaashiisi dhaliila waxay ka sheegeen inu cuni jiray hilibka Dadka mucaaradka ku noqday inta kalana uu u daadin jiray Libaaxyo iyo Yaxaasyo ku jiray Beer Xayawaan oo isagu gaar u lahaa, isla markaa wuxuu Tuugta ku xukumi jiray in dhegaha laga jaro .. Intii uu talada hayey Bokassa, waxa taageeri jiray Faransiiska oo ahaa dalkii hore ee gumaysan-jiray wadankaas, laftiisana waa Bokaase mar ayuu ciidamada faransiiska ka tirsanaan jiray muddo labaatan sano iyo dheeraad ahayd

Hase yeeshee arintii Faransiisku ka adkaysan-waayey waxay ahayd dhacdadii lagu xasuuqay qiyaastii 100 Caruur ah oo ka mudaharaadayey amar uu soo saaray Bokassa oo ahaa in ay dharka dugsiyada oo aad u qaali ahaa ay ka iibsadaan shirkad ay lahayd dumarkii 17-ahaa ee uu qabay midkood, taaso keentay in faransiisku arinkaa ka carooday kadibna biishi September 1979 xilki ka tuuray Bedal Bokasa ee boqorka sheegtay oo halkiisi ku soo celiyey madaxweynihi hore awooda lagala wareegay Ee la oran jiray David Dacko .. Bedal Bokasa oo ahaa masiibo ilaah umadaas u soo diray muddo marku xirnaa waxaa kama dambeysti cafis lagu si daayey sanadkii 1993, Sadex sanadood kadibna wuxuu u dhintay Wadne xanuun isagoo jira 75 iir ah.

Booqashadi Bukaasa u ku yimid Somaliya iyo wixii u ka codsaday Maxamed Siyaad Bare:

Jean Bedal Bokasa oo markaas ahaa madaxweyneha dalkaas Afrikada Dhexe ayaa sanadki 1972 booqasho ku yimid magaalada Mogdisho, wuxuuna halkaas joogay muddo sadex cisho oo marti u ahaa Siyaad Barre .. intu joogay waxaa la siiyey soo dhaweyn wanaagsan, dhalaal iyo madal qurxoon, waxaa boqaasho dalxiis lagu geeyey meela kala duwan oo ka mid shabeelada Hoose .. Waxaa marki dambe loo dhigay Riwaayad maaweelisey isaga iyo wafdigi la socday, waxaana Riwaayadaas intooda badan jilaayey fanaaninti kooxda Waabari oo ay ka mid ahayed gabar la oran jiray Khadijo "Qalanjo" .. Madaxweyne Bedel Bokasa gabadhi oo masraxa Riwaayada si quruxsan war-wareega iyo diinga-diinga u ciyaareysa siinta bidix ka laafyooneysa uga soo muuqatay masraxa ayuu caashaq kula dhacay oo ku sigtay inu saloosho goobti gabadhu ku ciyaareysay, ila marki dambe isagoo sidi doob u guuxaya u Siyaad Bare oo markaa garab fadhiyey ka codsaday in gabadhaas la siiyo, oo yiri Mogdisho ka tagi-maayo illa gabadhaas khadiijo la ii xereyo, laakiin marki dambe waa u tagay isago ku balamay in gabadha laga dab keeno .. Siyaad Bare oo su'aashi Bedal Bokasa xaraj ku noqotay wuxuu fariisiyey Golihiisi Wasiirada oo u bandhigay su'aasha u la yimi madaxweyne Bedel Bukaasa.

Goobtaas shirka oo aan goob joog ka ahaa waxaan xasuusta in golihi ay arinta isku mari-waayeen, hasa ahaate wasiir Maxamed Warsame kimiko oo isagu kooxda wax diidaneyd ka mid ahaa ayaa soo jeediyey in bal marka hore gabadha Khadiijo ra'yigeeda la weydiiyo .. Ugu dambeyn wasiir iyo anigoo ka mid ahaa hawl-wadeenadi madaxtooyada ayaa gabadhi u tagnay, dabadeedna marki su'aashi loo bandhigay Khadiijo oo lagu yiri waxaa lagu balan qaaday, dardarsi barwaaqo, waxay ku jawaabtay: Uf iyo Akh, Aniga Ninkaas Yam-Yam iyo Qadaad weyn bahalka ah wax xasuuqa aan jinsiga ila ahayen ma doonaayo, waana cirka iyo dhulka isku soo dhawaaday inaan aqbalo ee Raali iga ahaada .. laakiin mar dambe Gabadhi Khadiijo oo socdkii araweelo ku xaragooneysa - Geenyad gilgilan ah, ayaa loo keenay Siyaad Bare waxay ku adkeysatay go'aankeedi hore kuna tiri Ninka aad sheegeyso waxaa iga fiican wiil labaatan jira oo Somali ah .. Siyaadna wuxuu yiri Oky Jajuub ma jiro .. Final good bay-bye baa la is yiri 

Gorofkii Jean Bedal Bukasa marki aragtida gabadha khabarkeeda loo sii mariyey wasiirkiisi madaxtooyada oo mogdisho u yimid inu gabadhaas si kaxeeyo yaradna keenay .. Bokasa oo fariinti gaartay waxaa la sheegay in dhagaha mar qura qam yiraahdeen oo markiiba ciil yuurara isu badalay sidi Awr doobi ka soo bixi-waayey Guux iyo reen baa ka baxay oo aad iyo aad ayuu uga carooday, warkii geeri naxdin leh iyo filan-waa ku noqday oo halkii tiic-tiic iyo murgo ka bilaabay, isla markiina waa la kala dan furtay oo warkisi ku dhamaaday lagadan colaadeed, aflagaado iyo cay badan oo u maxfalada caalamka somaalida wax uga sheegi jiray isagoo dhahaya: waa dal faqiira oo haddana sheeganaya Hanti-wadaag beena, balse Siyaad oo Gorofkaa u jawaabaya ayaa mar laga xigtay inu yiri: Muxuu cay Dameer iga dhimi, weyska ciyaaye .. Biddow Camalkaa ku sheeg dheh .. Waraabow maalin wacan

Fiiro Gaara: Gabadha magaceeda Khadiijo ayaa la oran jiray oo magaci aabaheed ma xasuusto, laakiin neynaas waxaa loo yiqiin Khadiijo Qalanjo, waxayna ahayed Reer Boorama .. kolba Geerideeda ma maqlin iyo halkey ku nooshahayba .. Khadiijo waxaa iga muuqatay gabar il deer ilaahay siiyey caqli ay ku kala garto xumaanta iyo wanaagaba dambiga iyo kheyrka oo haddana Dhaqan leh
By Maxamed Cali-xaashi





hits Hits : 2478