Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hoogayey Waa Badatay Oo Meel Ino Fiyow Ma Jirto.. Warbixin Tirada Turkiyiintii Ku Dhimaty Qaraxi Wadada Mogdisho-Afgooye Oo Sii Kordhay

Monday - January 4, 2021




Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay Sheeko la xiriirta Muwaadiniinta uga dhimatay Qaraxii Is-miidaaminta loo adeegsaday ee Sabtidii 2-da Janaayo 2021 ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole oo ka socoto shaqo lagu dhisayo Wadada isku xirta Muqdisho oo Banaadir ah iyo Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah.

Qaraxaas waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay Askar Soomaali ah iyo Injineero Turki ah, waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer oo uu ku booqday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse Maydka labada Injineer iyo kuwa dhaawacmay ee Turkida ah ayaa dib loogu celiyay dalkooda sida ay shaacisay Warbaahinta Dalkaas.

“Waxa aan la shaqeynayay Wiil-keyga Salami Omar Aydogo, oo ku dhintay Qaraxa, aniga qudheyda waan ku dhaawacmay, waa Musiibo weyn oo reerka soo gaartay, waxaana la dhintay Erdinc Ceng” Sidaasi waxaa yiri Aydogo oo ah Injineer ku dhaawacmay qaraxa is-miidaaminta sabtidii ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Melek Genc waxa ay ku waysay Ninkeeda oo 44-sano jir ah oo ifka oga-tagay saddex carruur ah, waxaana ay sheegtay in uu ka mid ahaa howl-wadeenada Turkiga ee Soomaaliya jooga, waliba kuwa ka shaqeynaya dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Mashruuca ku baxaya ay bixineyso Dowladda Qadar.

Salami Omar Aydogo waxa uu ahaa 22-sano jir guursaday 6-bilood ka hor, waxa uu lahaa mustaqbal ifaaya, waxaana dhaawac soo gaaray laga daweynayaa Aabihiis oo la shaqeynayay, balse xaaladdiisu ay sheegeen dhaqaatiirta in ay ka soo reyneyso sida uu ahaa Maalin ka hor.

Yavuz Erkan waxa uu kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxa uu Xaaladiisa ku tilmaamay in ay soo hagaageyso, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad dhaawacyo halis ah soo gaaray sida uu u sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadol Agency, waxa ay sidoo kale Wareysatay bukaanno iyo ehelladooda si ay uga xog hesho sida qaraxa uu dhacay, maadaama qaraxa uu ka dhacay meel fogaan ahaan u jirta Saldhigga Turkiga 15 KM.