Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Qisadi Marwadi Nabi Ibraahim CS Iyo Sida Alle Uga Badbaadiyey Gaalki Damaca Xumaa

Friday - January 8, 2021




Bukhaari ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabigu (SCW) wuxuu yiri: Ibraahiim ayaa haajiray isaga oo wata xaaskiisii Saara, wuxuu la soo galay magaalo uu haysto Boqor boqorada ka mid ah ama jabbaar jabbaarada ka mid ah, markaasa boqorki magalada lagu yiri: waxaa soo galay Ibraahiim oo wata haween dumarka kuwa ugu qurxoon ka mid ah, markaas ayuu u cid diray oo ku yiri: Ibrahiimow tan kula socota waayo?  

Wuxuu yiri: cabsi awgeed waa walaashay, oo haddu yiraahdo waa xaaskeyga waa la dili-lahaa, deeto ayadii ayuu ku noqday, wuxuuna ku yiri:  Saarey hadalkaygii ha beenin, waxaan u sheegay gaalki daalimka ahaa in aad walaashay tahaye. Alle ayaan ku dhaartaye in uusan dhulka dushiisa joogin Mu’min aniga iyo adiga aan ahayn.

Markaas ka dib askarti boqorka ayaa Saara soo kaxeysay oo soo galisay qasrigi, markaas ayuu boqorkii u soo kacay, iyaduna waxay bilowday Weeso iyo Salaad, waxayna tiri: Alloow haddaan ku rumeeyay adiga iyo rasuul-kaaga oo aan ka ilaaliyay xubinta taranka ee dhadiga cidaan ninkayga ahayn ha igu salladin Gaalkaan hororka igu ah  .. Markaas ayaa boqorki xag alle la ceejiyay ilaa uu lugta ku raftay .. Laakiin markay aragtay Saara ceejida ku dhagan waxay tiri: Alloow hadduu kan dhinto waxaa la dhihin iyadaa dishay, markaas ayaa laga sii daayay ceejadi

Hasa ahaatee iimaan daradiisa Mar Labaad ama Seddexaad ayuu sidii yeelay oo damcay inu u dhaqaaqo xaga Saara, haddana Alle ka celiyay .. Gaalki oo naf hayso aya markaas yiri: Shaydaan uun baad ii soo dirteene u celiya gabadhaan Ibraahiim, Haajarana ha u adeehte siiya .. Markaas iyado nabad qabta ayay ku noqotay Ibraahiim (CS), waxayna ku tiri: ma ogtahay Ibraahimow in Alle gaalkii hoojiyay, jaariyadna uu noo adeejiyay? ..  Ibraahim oo Xaaskiisi Saara iyo Gabadhi hadiyada loo siiyey isla maalintiiba carigi wey ka caraabeen oo u haajireen xagaa iyo dhulka Makka.