Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Fadeexad Weyn Oo Soo Wajahday Donald Trump .. Nin Caan Oo Ka Diiday Bilad Sharaf Qaaliya

Tuesday - January 12, 2021



Bill Belichick waa mid ka mid ah tababara-yaashii ugu wanaagsanaa ee soo mara kooxda kubada cagta qaranka ee mareykanka ayaa sheegay inuusan aqbali doonin Biladda Xorriyadda ee ay madaxdu bixiyaan, taas oo uu u soo bandhigay Madaxweyne Donald Trump, isagoo sababtana ku sheegay weerarkii Capitol.

Belichick, oo ka tirsan New England Patriots, ayaa sheegay inuu aad u farxay markii ugu horreysay ee loo soo bandhigay biladda – oo ah abaalmarinta ugu sarreysa ee la siiyo shacabka ku nool Mareykanka.

Balse wuxuu sheegay inuu fekerkiisa beddelay kaddib markii taageerayaasha Trump ay toddobaadkii hore galeen Kongreeska Mareykanka. Shan qof ayaa ku dhimatay weerarkaas .. Tababarahan caanka ah ayaa hore uga hadlay saaxiibtinimada kala dhaxaysa Mr Trump.

“Dhowaan, waxaan la ii soo bandhigay fursadda ah inaan qaato Biladda Xorriyadda ee ay madaxdu bixiyaan, taas oo aan aad ugu farxay aniga oo xushmeynaya sharafta ay xambaarsan tahay iyo aniga oo bogaadin u haya dadkii hore u qaatay,” ayuu Belichick ku yiri warsaxaafadeedkiisa.

“Kaddib waxaa dhacay arrimihii xumaa ee toddobaadkii hore waxaana la go’aansaday inaan la qaadan abaalmarinta .. Belichick, oo saddex jeer ku guuleystay Super Bowl, ayaa loo arkaa mid ka mid ah tababarayaashii ugu fiicnaa ee soo mara taariikhda NFL.

Abaalmarinta Xorriyadda ee ay madaxdu bixiso waxaa lagu bogaadiyaa shakhsiyaadka wax la taaban karo ka qabta “ammaanka ama danaha qaranka ee Mareykanka”.

Sanadkii 2019 Mr Trump ayaa abaalmarinta siiyay golfer Tiger Woods, iyo sidoo kale weriye Rush Limbaugh, iyo Elvis Presley oo markii uu geeriyooday kaddib lagu maamusay biladda.