Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxweyne Farmajo Oo Baarlamaanka Hortiisa Ka Qirtay Fashalkiisa .. Xukumada Farmajo Oo Gashay Suryo Oodan .. Ma Wuxuu Naawilaya Muddo Kordhin

Saturday - Feb 6, 2021


Muqdisho- Madaxweynaha Federaalka ee Soomaliya, Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu golaha shacabka ka jeediyay maanta kaga hadlay guul-daradii natiijada shirkii Dhuusamareeb ..  Farmajo oo ka hadlay shir dhawr maalmood uga socday madaxda dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la doonayay in lagu soo afjaro khilaafka , ayuu gollaha hirtiisa ka sheegay inuu ku dhammaaday, iyadoo aan waxba lagaga heshiin arrimihii la doonayay in xal lagaga gaaro.
Madaxweyne Farmaajo, isagoo ka hadlayay khilaafka ka taagan arrimaha doorashada, wuxuu sheegay in mar walba maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay diideen arrimaha doorashada, isla markaana uu marar badan la xiriiray si uu ugu qanciyo arrimahaa, waxaan la hadlaynay ayuu yiri muddo si aan u qancino waxaan ku casuumay Magaalada Muqdisho, waana ku guulaysan weynay oo labadaa maamul waa diideen, waxaana mar kale sameeyay tanaasul kale, markay iga diideen inay halkan Muqdisho yimaadaan, waxaana aqbalay markay igu casuumeen shirkoodii Dhuusamareeb shirkii saddexaad nasiib-daro Puntland iyo Jubbaland may iman .

Wuxuu yiri: heshiiskaa waxa qortay Siciid Cabdullaahi Deni, inta kale way daawanayeen, waxayna codsadeen in baarlamaanka loo geeyo oo aannay waxba ka soo noqonayn, yaa maamulaya Somaliland, goobaha doorashooyinka iyo guddida sidaa ayay ku doodeen, waxayna ku dhamaeeyeen waxaad ku aragteen, sidaa awgeed hisheeskii September 2017, ee ay qorteen oo aad u ansixiseen haddana nasiib-daro way diideen, waxaana diiday Puntland iyo Jubbaland.

Dhinaca kale, waxa jira tibaaxo ishaaraya in Madaxweyne Farmaajo raja ka qabo in mudada loo kordhiyo, iyadoo ra’iisal wasaare ku xiggeenka Mahdi Guuleed oo mar uu shirkan kii ka horeeyay ee Dhuusamareeb ka hadlayay munaasibad xaflad ah sheegay in aanay dhacayn in meel bannaan xukuumaddu ku dhacdo, isla markaana xukuumadda ay bedelayso xukuumad doorasho ku timi, sidoo kale golayaasha ay bedelayaan kuwo ku yimi doorasho oo fadhiyayaan inta laga helayo ciddii bedeli lahayd .. Arrintaa waxa loo fasiray in xukuumadda Federaalka oo gashay suyo siyaasadeed oo ciriiri ah ay qorshaynayso in muddo kordhin loogu daro