Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Beenta Iyo Qori Is Maris-nimadu Weligeed Socn-meyso Ee Taariikhda Dib U Raaca .. Farmajo Oo Si Khasab Ah Ku Aqbalay In Shirka Mogdisho Ka Dhaco Iyo Shuruud U Ku Xiray

Thursday - Feb 11, 2021




Warar Hoose oo laga helay xaga xarunta diplomaasiyiinta ee Xalane Ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Wakhtigiisa Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho, sido kale warkaas mid la mida ah ayaa laga soo xigtay dad ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya kadib Shir Maanta yeesheen Farmaajo, Fahad, Rooble iyo Xubno aad ugu dhaw nabad iyo nolol.

Hasa-Ahaate waxaa la leeyahay Farmaajo oo talaba marmarsiiyo iyo canaad ka yaqaana, ayaa shuruud ku xiray Shirka Muqdisho ka dhacaya maadaama ay Jubbaland iyo Puntland sheegeen in shirka la iskugu yimaado 15-ka bishaan Mogdisho .. Shuruuda u la yimid ayaa ka mida ah in aan laga qeyb gelin Murashaxiinta Madaxweyne iyo Beesha Calaamka taas oo aan la ogeyn sida looga aqbali-doono amase ay ku dhici-doonto.

Weli Villa Soomaaliya warkaan soo baxay ee qarsoodiga ah ma aysan ka hadlin, iyadoo la xasuusan yahay in Wasiir Dubbe oo labadiisi qaarna aanay is ogeyn oo qaybiba waxay doonto ku hadleysa ayaa saacado ka hor shaaciyey in Shirka la iskugu tegayo Garowe Dawladana ka go’an tahay.