Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Itobiya Oo Weli Isu Haysata Wqtiyadeedi Caruushka Ahaa Oo Dhex Rooreysa Doorashada Somaliya .. Kharidadi Ugu Dambeysay: Waxa La Madalaya Shir Waxaana Usha U Ruxi-doona Jemes Swaan

Friday - Feb 12, 2021


Mgdisho- War loo qaateena oo soo gaaray Galdogob Times ayaa loo xaqiijiyey in Wasiir ku xigeenka Itobiya ahana wasiirka arimaha dibada Mr. Demeke Mekonnen u si ciiro isku qaris ah ula soo xariiray Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Somaliya Jemes Swan .. Raiisal Wasaare Ku xigeenka isagoo sawir aan loo aqoon u yeelaya Farmajo, isla markaana doc walba ka duqeeyey mucaaradka yirina kuwaas bulshada guusheeda bey necbyihiin, ayuu gabagabadi wada hadalkiisi Quraan dhurwaaga wuxuu la yimi codsi u ku leeyahay Jemes Swan waa in xaalada la xasiliyo oo shirka waa in dib loo dhigo illa 15 biisha May oo waqti la siiyo dawlada Farmajo .. Jemes Swan oo dalabkaas ka yaabay ayaa Maya iyo Haa kooban kaga jawaabi kari-waayey, balse waxuu kaga jawaabi oo ku yiri: sawirka guud markaan iyagana dadyooga miisaanka ku leh masraxa siyaasada somaliya iyo gaar ahaan dawlada dariska oo aan ka wareysto arimaha ku gaadaaman doorashada somaliya ayaan go'aan ka qaadan-doona  

Warka wuxuu intaa ku daraya in isla maalintiiba Jemes Swan oo khadka talefoonka la galay madaxda dalka Uganada, Kenya iyo Jabuuti ayaa dhamaantooda ku gacan seyray soo jeedinti Raiisal wasaree ku xigeenka itoobiyaanka ee ahayed in shirka dib loo dhigo .. dawladaaha oo ay ugu horeyso Jabuuti iyo Ugaandha ayaa ku booriyey wakiilka UN-ka in shirka u ka dhaco xarunta xalane lagana qayb galiyo dhamaan ururada bulshada iyo maamulada gobolada, isla markaana shirka usan dhaafin illa 15 bishaan Febrawery .. Warku wuxuu leeyahay Jemes Swan waa ku qancay soo jeedinta Jabuuti Iyo Ugandha